Xukuumadda Finland oo markale xirtay xuduudda dhulka ee Finland u ruushka u dhexeysa iyo dadka magangelyo-doonka ah oo loo digay

esteaitahankkeen-pilotin-tyomaa-pelkolassa-16.6.2023-kuva-3/Rajavartiolaitos

Ka gadaal markii ay Golaha xukuumadda Finland yeesheen kulan 11.1.2024, ayeey soo saareen go’aan rasmi ah oo ay xuduudda dhulka ee Finland iyo Ruushku ku sii xirnaanayso illaa iyo inta laga gaarayo 11.2.2024.

Dadka magangelyo-doonka ah ayaa dhanka kale looga digayaa in ay yimaadaan goobaha xadka looga soo tallaabo muddadan uu go’aankan shaqaynayo.

Wasiirka arrimaha gudaha Finland Mari Rantanen ayaa sheegtay, in ay caddahay, in Ruushku uu sidii horay loogu arkay ay u sii wadayaan ficillada ay ku doonayaan in ay ku khalkhal-geliyaan ammaanka Finland iyagoo ku soo fatahaya dad soogalooti ah oo fara badan.

Xuduudda oo horay ugu xirnayd go’aan xukuumadeed illaa iyo 14.1.2024 ayaa sababaha loo cuskaday xirnaanshaha xuduudda waxay ahayd qulqulka qaxootiga ka soo gelaya Finland dhanka Ruushka iyo xukuumadda Ruushka oo sida la sheegayo dadka soogalootiga u fududaynaysa soo gaarista xadka Finland iyo Ruushka u dhexeeya, si ay xadka uga soo tallaabaan kaddibna magangelyo uga codsadaan Finland.

SSMV