Nabaddoon Xalane Abdirisak Nur, Nabaddoonka guud ee Beesha Karanle Hawiye oo booqasho ku yimid maanta Finland ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Helsinki-Vantaa.
Guddiga iyo Jaaliyadda Karanle ee Finland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Karanlaha Finland Cumar Cabdi Colow oo Garoonka uga hortegay Nabaddoonka ayaa sheegay in Nabaddoon Xalane Abdirisak Nur uu maalmaha soo socda kulan Guus oo Soomaalida oo dhan u furan iyo mid u gaar ah Beesha Karanle ku yeelan doono Finland.
Nabaddoon Xalane Abdirisak Nur ayaa lagu wadaa in uu Madal furan kula hadlo Soomaalida Finland isagoona ka warbixin doona xaaladda guud ee dalka iyo kaalinta dhaqanku ku leeyahay geeddi-socodka nabadda, xasilinta siyaasadda kacsan ee Soomaaliya iyo guud ahaan nabadda Soomaaliya.
Wixii war ah ee la xiriira safarka Nabaddoonka halkan ayaad kala socon doontaan.





