Cayaarihii Somali Cup oo Helsinki lagu soo gebagebeeyay

Cayaaraha Somali Cup oo labadii toddobaad ee u dambeysay ka socday magaalada Helsinki ayaa galabnimadii Axadda 1.8.2021 lagu soo gebagebeeyay, iyadoo cayaartii kama dambeysta ahayd ay kooxda  Kooxda Fc Casri 3-0 gool ku laad ah kaga badisay kooxda Fc Myrmäki, sidaasna koobkii ku hanatay.

Cayaartan oo ahayd mid ka mid ah cayaarihii ugu xiisaha badnaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay kumanaan dadweyne ah oo isugu soo baxay daawashada cayaarta finalka oo uu soo Ururka dhaqanka iyo sportiga ee Socus ry oo ah ururka ugu facaweyn dhanka Sports-ka dalkan Finland.

Guddoomiyaha Socus ry Abdulkadir Axmed Macalin (Qooje) oo la hadlayay Warbaahinta Codka Soomaalida Finland ee Suomen Somalimediaverkosto ayaa sheegay in sanadkan Somali cup ay maalgeliyeen ganacsato Soomaaliyeed.

Tan iyo Markii la aas-aasay Ururkan sanadkii 1999 ayaa sanad walba u qaban jiray dhalinyarada Soomaaliyeed tartan cayaareed la qabto sanad walba sida uu Guddoomiye Qooje sheegay.

Guddoomiye ku xigeenka Jaalliyadda  midnimadda Ummadda Soomaaliyeed Abdulrahman Abdi Rage ayaa bogaadiyay dadaalada ururka Socus ry sanad walba ku qabtaan cayaaraha Somali cup, isla markaana u hambalyeeyay dhamaan kooxihii ka soo qeyb galay.

Abdi Osman Daamey, madaxa suuqgeynta ee xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay cayaarta Finalka ee Ururka dhaqanka iyo sportiga ee Socus ry soo qabanqaabisay,  isagoo carrabka ku adkeeyay in labo cayaartooy oo u saftay xulka Qaranka Soomaaliya markii u dambeysay ee Somalia iyo Waddanka Cuman wada cayaarayeen, cayaaryahanadaas oo uu magacyadooda ku kala sheegay Ceesaanyo iyo Xuseen.

Waxa uu sidoo kale sheegay in cayaartoyda hadda cayaareysa ay ku jiraan cayaartooy laga yaabo inay anfacaan xulka Qaranka Soomaaliya.

”Cayaarahan sidan oo kale loo qabanaayo waxa ay dhiirigelin u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Finland” ayuu ku soo gebagebeeyay madaxa suuqgeynta Xiriirka Kubbada cagta Soomaaliyeed Md. Daamey.

Feysal Yusuf Abdi oo ka mid ah Golaha deegaanka degmada Vantaa ayaa sheegay in sports-ku muhiim u yahay dhallinyarada Soomaaliyeed, uuna sheegay in ay tahay Maaddo dhan oo lagu qaato iskuulada waddanka Finland.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu Feysal Yusuf Abdi sheegay muhiimadda ay leeyihiin tartamada nuucan oo kale ah oo loo qabto caruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Finland.

Guddoomiyaha Sports-ka Jaalliyadda  Waqooyiga Ameerika, Abdiqani Maxamuud Shidane booqasho ku jooga dalkan Finland ayaa u mahadceliyay bahda Sports-ka Finland Socus ry oo koobkan soo qabanqaabiyay, Isagoo sheegay in waxqabadkooduna uu muuqdo.

Guddoomiiye Shidane ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay Ururka Socus ry martiqaadkii ay u sameeyeen.