Warbixinta Socdaalka Nabadeed ee Ergayga gaarka ah ee xukuumadda Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika uu ku tegay Gobolka Xildhibaan Suldaan Said Ahmed + sawirro

Photo-Suldaan Facebook

Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo wakhti yar kahor loo magacaabay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xukuumadda Finland nabaddaynta Geeska Afrika ayaa socdaalkiisi ugu horreeyay ee rasmi ah ku tegay Geeska Afrika. Socdaalka ergayga oo billow u ah shaqo baaxad weyn oo uga ka billaabatay Gobolka Geeska Afrika oo muddo dheer la daalaa-dhacayay colaado noocyo badan iyo abaaro baahnsan.

Safarka Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika ayaa Xildhibaan Suldaan Said Ahmed ayaa sidan u dhacay:

I

Ergayga oo weli ku guda-jira socdaalkiisi Geeska Afrika ayaa caasimadda Soomaaliya kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xamse. War rasmi ah oo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ka soo saaray kulanka uu la qaatay Ergayga arrimaha nabadda Geeska Afrika u qaabilsan Finland Xildhibaan Suldaan Said Ahmed ayaa sidan u qornaa: – ”Waxaan maanta kulan kula qaatay xafiiskayga Suldaan Siciid Axmed oo ah xildhibaan katirsan Baarlamaanka Dowladda Finland ahna ergayga gaarka ah ee nabadaynta geeska Afrika u qaabilsan Finland. Waxaan Suldaan uga mahadceliyay taagerada ay Dowladiisu siiso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, Waxaana kawada hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dowladood.”

Photo-OPM-Somalia

https://www.facebook.com/photo?fbid=607806184037583&set=pcb.607806607370874

II

Photo- Suldaan Facebook

Xildhibaanka ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi M. Guulaid. Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa kulanka kaddib boggiisa soo dhigay qoraalka uu ku cabbirayo kulankii uu Ergayga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika Xildhibaan Suldaan Said Ahmed la yeeshay waxaana uu yiri:- ”Waxaa sharaf ii ah in aan xafiiskayga ku qaabilo Mudane Suldaan Saciid Axmed, oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland, ahna Ergeyga cusub ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika.Waxaanu ka wada hadalnay kaalinta Finland ee arrimaha Dhab-u-heshiisiinta iyo nabadda.”

https://www.facebook.com/photo/?fbid=607806270704241&set=pb.100044246208591.-2207520000..

III

Photo- Suldaan Facebook

Waxaa kale oo xildhibaanku Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe.

War rasmi ah oo kulanka ku saabsan oo lagu daabacay bogga Facebook ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidan u qornaa: –  ”Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminaayo Ergeyga gaarka ah ee arrimaha geeska Africa ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowladda Finland mudane Suldaan Siciid Axmed iyo safiir ku-xigeenka Safaarada Findland ee Kenya iyo Soomaaliya Amb. Otto Stenino. Guddoomiyaha oo warbixin ka dhageystay Ergeyga ayaa bogaadiyay in dowladda Finland ay la garab taagan tahay horumarinta iyo iskaashiga labada Baarlamaan oo ay ugu horeeyaan dib u eegista dastuurka iyo wax ka qabashada gurmadka Abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.”

https://www.facebook.com/photo/?fbid=607806267370908&set=pb.100044246208591.-2207520000..

IV

Phto- Facebook Suldaan

Xildhibaan Suldaan oo dhanka kale la kulmay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midowday u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa tibaaxay in uu Swan kala hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan nabadda taageeridda nabadda iyo deganaanshaha dalka, Ka sokow deganaanshiyo la’aanta dalka ka jirta, waxaa deegaanka fara ba’an ku haya abaar iyo baahi. https://www.facebook.com/suldaansaid

V

Photo- Suldaan Facebook

Xildhibaanka oo sidoo kale magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweynaha dalkaas Ismail Omar Guuled ayaa madaxweynaha kala hadlay xiriirka Finland iyo Jabuuti iyo guud ahaan xaaladda Geeska Afrika. https://www.facebook.com/photo?fbid=607770184041183&set=a.445720663579470

VI

Suldaan iyo Abdi Hashi- photo SNTV

War rasmi ah oo lagu daabacay bogga warbaahinta bulshada ee Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa looga hadlay kulan uu Xildhibaan Suldaan Said Ahmed la yeeshay Guddoomiyaha aqalka Sare mudane  Senator Abdi Hashi Abdullahi.

Warkan ayaa sidan u qornaa: – ”Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Finland. Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa kawada hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen hannaanka nabad ku soo dabaalidda geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo kaalinta dowladda Finland ka qaadan karto, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, tababarrada iyo dowlad wanaagga.” https://www.facebook.com/SenateSom

VII

Photo- Suldaan Facebook

Xildhibaan Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ee Finland u qaabilsan Geeska Afrika ayaa Qasriga madaxtooyada Soomaaliland kula kulmay madaxwyne ku xigeen Somaliland Mudane Abdirahman Abdullah. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Essa Kayd iyo wasiirka xannaanada xoolaha Mudane Said Sulub. Ergayga ayaa Madaxda kala hadlay xaaladaha bani’aadminimo, siyaasadeed iyo amniga ee Geeska Afrika.

VIII

Photo- Suldaan Facebook

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa dhanka kale ka dhacay kulan uu Xildhibaan Suldaan la qaatay Hoggaanka labada Xisbi ee Mucaaradka ah ee Somaliland, UCID iyo WADDANI. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Hersi Ali ayaa sheegay, in ay la kulmeen Ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Xildhibaan Suldaan Said Ahmed. Gddoomiyaha ayaa sheegay, in ay Xildhibaan Suldaan ugu hambalyeeyeen horumarkiisa islamarkaasna ay uga warbixiyeen Xaaladda siyaasadeed ee hadda ka taagan Somaliland.

https://twitter.com/mrhersi_hassan/status/1550139381117321217

IX

Photo- Suldaan Facebook

Xildhibaan Suldaan ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Itoobiya, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo wasiirka maaliyadda. Ergayga ayaa madaxdan kala hadlay xiriirka Finland iyo Itoobiya, saameynta uu weerarka Ruushku ku qaaday Yukreyn ku yeeshay cuntada adduunka, dagaalka Woqooyiga Itoobiya iyo taageerada Finland ee dhinaca nabadda gobolka.

Magacaabista Xildhibaan Suldaan Said Ahmed loo magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika ayaa noqotay arrinta loogu hadal-haynta badanyahay guud warbaahinta gudaha Finland iyo tan dibadda.

Ergayga ayaa dhanka kale kulamo kala duwan la qaatay intii uu socdaalka nabadeed ku jiray hay’ado iyo ururo-bulsheedyo badan

Soomaalida ku dhaqan dalalka dhaca Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka ayaa aad u soo dhoweeyay magacaabista Xildhibaanka loo magacaabay xilkan aadka u culus.

Waxaa kale oo xusid mudan, in Suldaan Said Ahmed uu noqday qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Ajnabi ee Finladn ka qabta xil noocan oo kale ah.

SSMV