Wararka caalamka ee maanta iyo feyruska korona

Finland waxaa laga helay 43 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Khamiis 10.9.2020 laga helay feyruska korona 43 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8 512 qof.

Daryeelka isbitaalka waxaa ku jira 8 qof, waxaana ku soo kordhay 2 qof oo dheeraad halkii ay arabacada ka ahayd 6 qof. Qaybta xaaladaha degdegga ah waxaa ku jira hal qof.

Natiijada baarista saamiga feyruska korona ee laga qaaday Ra’iisul wasaaraha Finland Sanna Marin oo noqday negatiif

War ka soo baxay xafiiska xogheynta golaha dowladda ayaa sheegay in natiijada baaristii saamiga feyruska korona ee laga qaaday ra’iisulwasaaraha Finland Sanna Marinin ay noqotay negatiif, oo aan laga helin feyruska korona.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa xafiiska xogheynta golaha wasiirrada waxaa ay sheegeen in ra’iisul wasaare Sanna Marin ay shaqada ka sii wadi doonto dhanka internetka iyadoo gurigeeda joogta, kaddib markii uu soo baxay arrinka ah in ay dhici karto in ay u nuglaatay feyruska korona.

Ra’iisul wasaare Marin waxaa ay ka heshay warka u nuglaanta feyruska abilkeeshinka koronavilkku.

Warnbixintii shalay ka soo baxday xafiiska xogheynta golaha wasiirrada ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha aanay wax astaamaha feyruska ah ka muuqan.

Ciyaartooyda kooxda ciyaarta xeegada barafka ee Jokerit oo karantiil la geliyay

Kooxda ciyaarta xeegada barafka ee Helsinki Jokerit ayaa waxaa ay u nuglaadeen feyruska korona. Kooxda Jokerit waxaa ay arbacadii ciyaar la yeesheen kooxda Neftehimik Nizhnekamski ee Ruushka, kuwaasoo toddobo cayaartooy oo ka mid ah laga helay feyruska korona. Waxaana ciyaartaas lagu qabtay magalaada Helsinki.

U nuglaanta feyruska korona ee kooxda Jokerit qabsatay awgeed, ayaa waxaa la baajiyay ciyaartii ay Jokerit maanta la yeelan lahayd Ak Bars. Sida warka lagu sheegay dhammaan ciyaartoyda iyo xubnaha kooxda Jokerit waxaa laga qaaday saamiga feyruska korona, natiijaduna waxaa ay noqotay mid aan waxba laga helin, hase yeeshee waxaa dhammaan kooxda la geliyay 14 maalmood karantiil ah.

Waxaa maalmahaan dambe soo ifbaxayay arrinka ah, in kooxo badan oo ciyaartooyda ah, gaar ahaan kuwa ciyaara xeegada barafka oo magaalooyin kala duwan ka tirsan, ay u nuglaadeen feyruska korona, islamarkaana la geliyay karantiil.

Iskuullada iyo xannaanooniynka oo ay ka dhaceen in ka badan 40 kooxood oo u nuglaanta feyruska korona ah

Bilwogii sannad dugsiyeedka kaddib, waxaa hay’adda THL soo gaaray in ka badan 40 kooxodd oo ah u nuglaanta feyruska korona, kuwaasoo dadka laga helay feyruska korona ay u nuglaadeen qaar ka mid ah carruurta barbaarinta hore ku jirta, kuwa iskuullada dhigta iyo qaar ka mid ah ardayda macaahidda dhigataba. U nuglaantaas darteed ayaa waxaa karantiil la geliyay in kabadan 1 700 oo qof.

Hay’adda THL waxaa ay xoogga saareysaa, in carruurta aan wali gaarin da’da iskuulka ee ku jirta waxbarashada hore, haddii ay leeyihiin astaamaha dhanka neefsashada oo fudud, in dhowr maalmood xaaladooda lagula socodo guriga dhexdiisa, kahor inta aan baaritaan la geynin. Dhanka kale THL waxaa ay xusuusinaysaa in carruurta waaweyn, dhalinyarada iyo dadka waaweynaba ay baaritaanka aadaan, xitaa haddii astaamaha haya ay yihiin kuwo fudud.

Waalidiinta Espoo oo dalbanaaya in waxbarashada carruurta loo wareejiyo dhanka internetka

Welwelka waalidiintu ay ka qabaan ammaanka waxbarashada ee carruurta ayaa u muuqda mid aad u sii kordhaaya.

Waxaana arrinkaas si aad ah u muujinaaya codsiga saxiixa ee ay shalay sameeyeen qaar ka mid ah waalidiinta ardayda iskuulka dhigata ee magaalada Espoo.   Waalidiinta soo diyaariyay saxiixa codsigaas waxaa ay ku muujiyeen rajadooda ku saabsan, in waxbarashada ilmaha loo wareejiyo dhanka internetka oo ay gurigooda ku qaataan, tan iyo inta laga joojinaayo faafista feyruska korona.

Hooyada dhashay arday dhigta fasalka afaraad oo la yiraahdo Marketta Vanamo ayaa sheegtay, in aanay ku dhicin in ay ilmaheeda si ammaan leh ugu dirto iskuulka mar dambe.

Waa arrin aad u xun in aad mar walba ku fekereyso, in ilmahaagu uu guriga ku soo laaban doono isagoo jiran iyo inkale, xanuunka hayaa ma hargab baa mise waa korona, waayo iskuulka dhexdiisa waxaa si fudud ugu faafa cudurrada, ayay tiri Vanamo.

Dalka Sweden waxaa maanta laga helay 311 qof oo hor leh oo qaba feyruska korona

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Sweden waxaa maanta laga helay feyruska korona 311 qof oo hor leh.  Arbacadii la soo dhaafay waxaa laga helay 314 qof, Khamiistiina 211 qof.

Illaa iyo haatan tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Sweden waxaa ay gaaraysaa 86 505 qof, waxaana u dhintay feyruska korona 5 846 qof.

Shalay ayay dowladdu go’aan cusub ka soo saartay xayiraadii saarneyd dhanka safarka.  Waxaana sida sharcigan cusub uu dhigaayo Finland soo geli karaa iyadoo aan wax karantiil ah la gelin, dadka imaanaaya dalalka ay tirada faafista feyruska korona ka hooseyso boqolkii kun ee qof ee kastaaba 25 qof, afar iyo tobankii maalmood ee ugu dambeysay maalinka safarka kahor. Isbeddelkaas wuxuu dhaqangeli doonaa Sabtida 19.9.2020. Sidaas darteed Dalka Swden waa loo safri karaa iyadoo aan wax karantiil ah la gelin.

Faransiiska oo qorsheynaaya in ay sii adkeeyaan xadaynta feyruska korona

Sida ay sheegtay idaacadda dalka Ingiriiska ee BBC, waxaa Faransiisku ay qorsheynayaan in ay sii adkeeyaan xadayntii lagu soo rogay arrimaha ku saabsan faafista feyruska korona.

Dalka Faransiiska waxaa khamiistii laga helay feyruska korona tiro gaaraysa 9 843 qof. Sida idaacadda BBC ay sheegtay tiradaas waa tii ugu badnayd ee laga helo feyruska tan iyo intii cudurkaan safmarka ah uu bilowday. Sidoo kale waxaa maalmahaan dambe aad u sii kordhaayay dadka ku jira daryeelka qaybta xaaladaha aadka u daran ee isbitaalka.

Maanta oo jimce ah ayaa golaha wasiirrada dowladda iyo hawlwadeennada wasaaradda caafimaadku waxaa ay soo saari doonaan tillaaboyin cusub oo xadayn ah.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in kulankaas kaddib la shaacin doono tallaabooyinka la sameyn doono toddobaadyada foodda nagu soo haya.

Khabiirka la yiraahdo Jean-François Delfraissy oo ku magaacaaban la talaiyaha dowladda ayaa uga digay dowladda waxa uu ku magacaabay ”go’aamada aadka u adag”.

 

Isha warka / Yle, HS