Ma’uul ka tirsan hay’adda daawada ee ururka Midowga Yurub EMA oo sheegay, in tallaalka Astra Zeneca iyo xinjrowga dhiigga uu xiriir ka dhexeeyo

Talaada 06.04.2021. Madaxa waaxda tallaalka ee hay’adda daawada Midowga Yurub EMA Marco Cavaleriayaa u sheegay wargayska Il Messanggeroee ka so baxa dalka talyaaniga, in sida ay isaga la tahay uu tallaalka Astra Zeneca, si cad oo muuqata ula xiriirsan yahay arrinka ah xinjirowga dhiigga.

Sida uu Cavaleri u sheegay wargeyska, wali lama oga, waxa ku jira tallaalka ee keenaya xinjirowga dhiigga.

Arrinkaan ma ahan bayaan rasmi ah oo ay hay’addu soo saartay. Waxaana uu Cavaleri waraysigiisa ku sheegay in hay’addu ay waqti aan fogayn cadayn doonto, arrinka ku saabsan tallaalka iyo xinjirowga dhiigga.

Gudiga qiimeynta khatarta ku saabsan ammaanka daawooyinka ee EMA, ayaa maanta bilaabay shir saddex maalmood socon doona, kaaso ay sidoo kale ku falanqayn doonaan talosoojeedintooda cusub ee suurtaggalka ah ee ku saabsan, sii wadista isticmaalka tallaalka Astra Zeneca.

Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa iyaguna sheegaya, in jaamacadda Oxford ay joojisay, tijaabadii dhanka cilmibaarista ee tallaalka Astra Zeneca ee carruurta lagu samaynaayay.

Waxaana Oxford ay sheegtay in ay hawlwadeennada dowladda Ingiriiska ka sugayso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan sii wadista tallaalka.

Dhakhaatir sare oo ka kala socday hay’adaha Fimea iyo THL ee dalkaan Finland ayaa iyaguna maanta ka hadalay, arrinkaan ka soo baxay dhanka mas’uulka ka tirsan hay’adda EMA.

Dhakhtarka sare ee Fimea Maija Kaukonen iyo dhakhtarka sare ee THL Hanna Nohynek, ayaa labaduba sheegay in ay la yaabban yihiin hadalkaan ka soo yeeray mas’uuulka EMA. Waxaana ay labadooduba sheegeen in arrrimaha sidaan oo kale ah ee miisaanka culus leh, aan qaabka uu mas’uulkan u hadlay oo kale loo soo gudbin, ayna rajaynayaan in hay’adda EMA ay sida ugu dhakhsaha badan war cad arrinkaan uga soo saarto.

Hanna Nohynek waxaa ay sheegtay in hadalkaan Cavaleri uusan wax saamayn ah ku yeelanaynin, sida Astra Zeneca looga isticmaalayo dalkan Finland. Waayo ayay tiri:” hadalka Cavaleri ma ahan bayaankii rasmiga ahaa ee hay’adda EMA. Finland waxaa ay sugaysaa bayaanka rasmiga ah ee ka soo bixi doona hay’adda EMA ee ku saabsan, in loo baahan yahay in wax laga beddelo qaabka isticmaalka tallaalka iyo inkale.

Waxaana ay dhakhaatiirtu sheegeen in dalka Finland illaa iyo amar dambe la sii wadi doono tallaabadii hore loo go’aamiyay ee ahayd, in taxaddar ahaan tallaaka Astra Zeneca la siin doono dadka buuxiyay da’da 65-sano iyo wixii ka weyn, waayo dadka da’daas jira laguma arag wax ku saabsan saamaynta xun ee naadirka ah ee tallaalka laga arkay.