Finland waxaa laga helay maanta 426 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 4 dhimasho ah

Khamiis 08.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 426 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 80 842 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 6 600 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 69 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 233 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 59 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 21 qof.  Sidoo kale gobolka Päijät-Häme waxaa  laga helay 17 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 88 Porvoo 3
Vantaa 58 Seinäjöki 3
Espoo 42 Loviisa 3
Turku 40 Järvenpää 2
Tampere 13 Pori 3
Tuusula 11 Joensuu 3
Savonlinna 10 Pudasjärvi 3
Lahti 10 Orimattila 3
Lappeenranta 9 Imatra 2
Kerava 8 Mynämäki 2
Kouvola 7 Maarianhamina 2
Mikkeli 6 Raisio 2
Kajaani 6 Lempäälä 2
Raasepori 5 Eura 2
Kotka 4 Vaasa 2
Salo 4 Asikkala 2
Rauma 4 Jyväskylä 2
Hämeenlinna 4 Kuopio 2
Hyvinkää 4 Lieto 2
Raahe 4 Jomala 2
Sipoo 4 Lohja 2
Hamina 4 Laitila 2
Kaarina 4 Mäntsälä 1
Pirkkala 4 Hammarland 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 235 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  42 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 866 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 51 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 700 oo qof, kuwaasoo 2 474 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 225-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 028 848 oo qof (08.04)

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 

45 228 091

 

133 897 605

Tirada u dhimatay feyruska  981 176  2 904 686

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS