LAASCAANO:- BAAQ NABADEED oo ka soo baxay MP Suldaan Said Ahmed, ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika

MP Suldaan Said Ahmed
MP Suldaan Said Ahmed

MP Suldaan said Ahmed oo mashaqada ka taagan Laascaanood ka hadlay maanta ayaa yiri: “Aad ayaan uga naxay una dhibsaday waxyaabaha ka dhacay Laascaanod. Waa wax laga naxo oo qalbiga taabanaya in magaalada lagu arko shacab rasaas u dhimanaya iyo kuwa kale oo ay dhibaato ku heysato. Gacan-ka-hadalku waa mid laga maarmo oo laga baaqsan karo. Waxaan labada dhinac ugu baaqayaa in si nabad ah u wada-xaajoodaan islamarkaasna xaqiijiyaan in dadku helaan caawimaad bani’aadminnimo.”

Xildhibaan MP Suldaan ayaa haatan ku hawlan sidii xaaladda loo dejin lahaa labada dhinacna ay miiska wadahadalka u soo fariisan lahaayeen. Waxaa kale oo uu Xildhibaanku ku hawlan yahay sidii gargaar bani’aadminnimo oo degdeg ah loo gaarsiin lahaa magaalada Laascaanood.