Allaha u naxariisto Imaam Anas Hajar oo maanta lagu aasay Qabuuraha magaalada Vantaa

Muslimiinta aaska ka soo qeybgashay oo ku tukaneysa salaadda Janaasada Sheikh Anas Allaha u naxariistee. Sawirka SSMV

Waxaa maanta oo Jimco ah 9.12.2022 lagu aasay qabuuraha  magaalada Vantaa Allaha u naxariisto Imaamkii masjidka Raabitada Sheekh Anas Hajar, halkaas oo ay ka soo qeybgaleen boqolaal Muslimiin ah oo isaga kala yimid gobolka Uusimaa iyo nawaaxigiisa.

Imaam Anas Hajar waxaa uu u dhashay dalka Suuriya, waxaana uu ka mid ahaa muslimiintii soo galay dalkaan Finland sannadihii sagaashameeyadii. Waxaa uu imaam ka ahaa masjidka raabitada laga soo bilaabo sannadkii 2010-kii, sidoo kale waxaa uu madax ka soo noqday ururkii SINE oo ay ku bahoobeen qaar ka mid ah ururrada iyo maraakizta islaamiga ah ee dalkaan Finland.

Bahda SSMV (Suomen Somali Media Verkosto) waxaa ay dhammaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan qaraabada iyo saaxiibaddii gaarka ah ee imaam Anas, ay uga tacsiyadaynayaan geeridii ku timid walaalkeen, waxaanan Allaah uga baryaynaa inuu naxaraiistii jannada ka waraabiyo, su’aasha qabrigana u fududeeyo.