Finland waxaa laga helay maanta 173 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Finland waxaa laga helay maanta 173 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Sabti 26.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 173 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 34 821 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 47 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 98 qof, Gobolka Varsinais-Suomioo 16 qof ah iyo gobolka Pirkanmaa oo ah 13 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 51 qof, Espoo: 27 qof , Vantaa: 11 qof, Tampere: 9 qof Turku: 8 qof,  Lahti: 6 qof, Brändö: 3 qof, Maarinahamina: 3 qof, Lapinlahti: 2 qof, Jyväskylä: 2 qof, Lappeenranta: 2 qof, Jämsä: 2 qof, Kolari: 2 qof, Outokumpu: 2 qof, Uusikaupunki: 2 qof, Kirkkonummi: 2 qof, Kerava: 2 qof, Imatra: 2 qof, kaarina: 2 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 258 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 524 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 25 189 924   80 255 705
 

Tirada u dhimatay feyruska

    544 354      1  758 590

 

 Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 19,2   milyan    98 840    1 197 338 263
  2 Hindiya 10,2   milyan    22 350       251 147 379
  3 Baraaziil 7,44   milyan    22 967       483 190 515
  4 Ruushka 3,02   milyan    29 258       567   53 659
  5 Faransiiska 2,54   milyan    20 262       159   62 427
  6 Ingiriiska 2,22   milyan    32 725       570   70 195
  7 Turkiga 2,11   milyan    17 543       256   19 371
  8 Talyaaniga 2,02   milyan    19 037       459    71 359
  9 Isbeyn 1,87   milyan    10 967       126    49 824
10 Jarmalka 1,63   milyan    18 411       287    29 968
11 Kolombiya 1,57   milyan     14 941       236    41 690
12 Arjantiin 1,57   milyan       2 874         30    42 422
13 Meksiko 1,36   milyan     12 485       861  121 172
14 Poland 1,25   milyan       9 077       240    26 992
15 Iiraan 1,19   milyan        6 021       132    54 440
16 Ukaine 1,01   milyan      11 035        186    17 581
17 Peru 1,00   milyan         1 564          51    37 368

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS