Finland waxaa laga helay maanta 220 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 4 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 26.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 220 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 91 964 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 754 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 57 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay126 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 82
Vantaa 24
Espoo 22
Tampere 18
Mikkeli 6
Turku 3
Lappeenranta 3
Oulu 3
Savonlinna 3
Hämeenlinna 3
Nurmijärvi 3
Jyväskylä 3
Kirkkonummi 3
Lempäälä 3
Imatra 3
Hyvinkää 2
Virolahti 2
Kouvola 2
Joensuu 2
Kokkola 2
Orimattila 2
Raisio 2
Varkaus 2
Kalajoki 2
Kotka 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 101 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  18 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 946 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shegtay dhimashada 4 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 7 642 oo qof, kuwaasoo 6 259 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 296 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 67,  iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 26.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 345 128 oo qof (26.05).

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 168 837 327 52 385 357
Tirada u dhimatay feyruska 3 505 876 1 125 328

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 821 481 50 044 385
Tirada u dhimatay feyruska  129 382 662 641

 

  Qaaradda W/Amerika Qaaradda K/Amerika
Tirada feyruska laga helay 39 568 748 27 995 594
Tirada u dhimatay feyruska  887 020 760 235

 

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 27,354,029   197 647   4 172  314 908
Baraaziil 16,195,981     74 845    2 198  452 224
Arjantiin 3,586,736     24 601      576    75 056
Kolombiya 3,270,614     21 181      459    85 666

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,067,107    2 734      14 400
63 Denmark 275,207    794     1      2 510
88 Norwey 123,163    511           782
159 Iceland  6 560    4              29
42 Saudi-Arabia  443,460    1 389     14     7 278
133 Soomaaliya  14 632               767

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS