Finland waxaa laga helay maanta 341 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah

275

Isniin 05.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 341 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 79 737 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 7 664 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 54 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 207 qof, gobolka Päijät-Häme oo laga helay 28 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 23 qof.  Sidoo kale gobolka Pirkanmaa oo la helay 22 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 87 Raasepori 2
Vantaa 43 Pornainen 2
Espoo 41 Kuopio 2
Lahti 26 Kaarina 2
Turku 14 Porvoo 2
Jyväskylä 13 Kangasala 1
Lappeenranta 12 Rauma 1
Tampere 11 Mustasaari 1
Kerava 7 Orimattila 1
Hyvinkää 6 Nokia 1
Salo 5 Hollola 1
Kotka 5 Masku 1
Pirkkala 5 Suintio 1
Laukaa 4 Sipoo 1
Tuusula 4 Hamina 1
Savonlinna 4 Eura 1
Mäntsälä 3 Nakkila 1
Oulu 3 Vaasa 1
Närpiö 3 Pietarsaari 1
Imatra 2 Hankasalmi 1
Lohja 2 Forssa 1
Inkoo 2 Pudäsjärvi 1
Nurmijärvi 2 Loviisa 1
Lempäälä 2 Valkeakoski 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 264 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  52 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 846 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 41 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 700 oo qof, kuwaasoo 2 474 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 225-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 974 153 oo qof (05.04)

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 44 673 350 132 005 545
Tirada u dhimatay feyruska  970 118  2 867 776

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS