Wararka caalmka ee maanta iyo feyruska korona

Finland waxaa laga helay 91 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, iyo laba xaaladood oo dhimasho ah

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Khamiis 24.9.2020 laga helay feyruska korona 91 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 9 379 qof.

Daryeel caafimaadka waxaa feyruska dartiis isbitaalka ugu jira 22 qof, oo afar ka  mid ah ay ku jiraan qeybta daryeelka xaaladda aadka u daran.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in tirada guud ee u dhimatay feyruska korona illaa iyo haatan ay tahay 343 qof.

Isbitaalka jaamacadda Helsinki ee HUS ayaa taloahaan u soo jeedinaya in aan la qabanqaabin wax ka badan 10 qof oo munaasabadaha guud ee la isugu yimaado ah

Waaxda caafimaadka ee Helsinki iyo gobolka Uusimaa HUS ayaa galabnimada khamiista 24.9.2020 waxaa ay sheegeen, in xaaladda feyruska korona ee caasimada iyo nawaaxigedu ay ka soo dareyso.

Telefishanka qaranka Yle ayaa sheegay in Waaxada caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa ee HUS ay dooneyso in ay Jimacaha 25.9.2020 soo jeediyaan in aan la qabanqaabin karin wax ka badan 10 qof ee isuimaatinka munaasabadaha guud. Waxaana HUS ay arrinkaas ku sheegi doonaan shir jaraa’id oo lagu wado in ay qabtaan Jimcaha 25.9 saacadda 12.00 ka duhurnimo.

Hore ayuu duqa magaalada Helsinki Jan Vapaavuori u sheegay galabnimadii Khamiista, in  talo- soojeedinteeda hay’adda THL ee ah afshareerka la dhaqangelin doono, warbixinta arrinkaas ku saabsanna maalmaha soo socda la soo jeedin doono.

 Hay’adda THL ayaa soo jeedisay in afshareerka la isticmaalo marka la joogo goobaha guud ee dadku isugu yimaado, iyo goobaha aanay suurtaggalka ahayn in masafaada ammaanka ah la isu jirsado

 Wasaaradda caafimaadka iyo arimaha bulshada iyo hay’adda nololwanaagga iyo caafimaadka THL, ayaa waxaa ay sheegeen in xaaladda feyruska korona ee dalkaan Finland ay si xoog ah u socoto, islamarkaana ay muuqdaan astaamo muujinaya in soo ifbaxa feyrusku uu si dhakhso leh u sii kordhaayo.

Hay’adda THL waxaa ay talo ahaan u soo jeedinaysaa maadaama uu xanuunkaan safmarka ah si xooggan u socdo, in la isticmaalo afshareerka, gaar ahaan goobaha dadku isugu yimaado iyo marka la raacaayo gaadiidka dadweynaha ee aanay suurtaggalka ahayn in masaafadii amniga ahayd la isu jirsado.

Haddii xaaladda feyrusku ay ka sii dartana, isticmaalka afshareerka waxaa uu u gudbi doonaa qaybta labaad ee ah, in la qaato marka la joogo macaahidda iyo jaamacadaha, sidoo kale goobaha gudaha ee la isugu yimaado, sida dukaamada iyo maktabadaha.

Halkan waxaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah dalalka xaaladooda faafista feyruska korona ay ka sii dareyso

Sweden

 Madaxa hay’adda cudurrada safmarka ah ee Sweden Nadres Tegnell ayaa sheegay, in xaaladda feyruska korona ee Sweden ay haatan si tartiib ah ugu socoto jiho khaldan. Hay’adda caafimaadka qaranka ee Sweden ayaa maanta sheegtay in dalkaas laga helay 533 xaaladood oo cusub  oo feyrsuka korona ah, sidaana waxaa laga soo xigtay telefishinka qaranka ee Sweden SVT. Tiradaas waa tii ugu badnayd ee laga helo feyruska tan iyo bilowgii biha luulyo.

Dadka illaa iyo haatan laga helay feyruska korona waxaa ay tiradoodu gaareysaa 90 000. Tirada feyruska u dhimtay dalka Sweden ayaa iyaduna gaareysa 5 878 qof.

Ra’isul wasaaraha dalka Sweden Steven Löven ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda dalkaas ee Stockhlom wuxuu ku sheegay in ilaa iyo waqti dambe oo aan la cayimin, ay xayiraadihii la soo rogay ee feyruska korona sidoodii u sii jiri doonaan.

Dalka Sweden waxaa ka jira xayiradda lagu soo rogay dhanka isu imaatinka dadka, taasoo aan la oggoleyn wax kabadan 50 qof.

Ruushka

Sida laga soo xigtay xarunta ka hortagga cudurrada faafa ee dalka Ruushka waxaa far iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay dalkaas 1050 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, waana tiradii ugu badneyd ee laga helo feyruska hal maalin tan iyo 23 bishii Juun ee la soo dhaafay.

Tirada guud ee dalka Ruushka e laga helay feyruska waa in ka badan 280 000 oo qof, waxaana ka bogsaday 241 000 oo qof, iyadoo ay u dhinteen feyruska awgiis tiro gaareysa 5115 qof.

 

Xigasho: Yle