Finland waxaa laga helay maanta 355 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo hal xaalad oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 30.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 355 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 95 742 qof.

Meelaha ugu badan ee feyruska laga helay waa Gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo ah caasimadda hareeraheeda, waxaana laga helay 99 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 61 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 99
Vantaa 41
Espoo 26
Tampere 26
Turku 14
Lahti 14
Lappeenranta 11
Järvenpää 9
Porvoo 8
Mikkeli 6
Imatra 5
Hyvinkää 5
Nurmijärvi 5
Jyväskylä 4
Hämeenlinna 4
Kotka 4
Pori 4
Kouvola 4
Kaarina 4
Haapajärvi 3
Nokia 3
Loviisa 3
Oulu 3
Kuopio 3
Lempäälä 3
Tuusula 2
Kirkkonummi 2
Parainen 2
Vaasa 2
Salo 2
Hamina 2
Kajaani 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 39 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 7 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 973 qof, kaddib markii ay hay’adda THL maanta sheegtay dhimashada hal qof oo hor leh.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 9 280 oo qof, kuwaasoo 7 522 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 415 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 338 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 5 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 30.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,2 milyan oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 992 800 oo qof (30.6.).