Finland waxaa laga helay maanta 620 xaaladood oo feyruska korona ah

Axad 28.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 620 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 57 672 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 7 353 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 73 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 411 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 52 qof, Gobolka Satakunta oo 24 qof ah iyo gobollada kala ah Pirkanmaa iyo Keski-Suomi oo min 23 qof ah.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 200 Jomala 2
Vantaa 82 Mikkeli 2
Espoo 56 Sastamala 2
Turku 36 Hollola 2
Jyväskylä 19 Hattula 2
Rauma 19 Tornio 2
Järvenpää 15 Pello 2
Lahti 13 Akaa 2
Lohja 10 Loppi 2
Tampere 9 Kouvola 2
Kirkkonummi 9 Nurmijärvi 2
Oulu 8 Laukkaa 2
Maarianhamina 7 Äänekoski 1
Lappeenranta 7 Eurajoki 1
Kauniainen 7 Säkylä 1
Riihimäki 7 Loimaa 1
Vaasa 7 Pukkila 1
Valkeakoski 6 Lemland 1
Vihti 6 Pori 1
Hyvinkää 6 Saarijärvi 1
Raiso 5 Nousiainen 1
Kerava 5 Joensuu 1
Porvoo 4 Raasepori 1
Kuopio 4 Närpiö 1
Hämeenlinna 4 Pielavesi 1
Tuusula 4 Ii 1
Kemiönsaari 3 Oripää 1
Sipoo 3 Pälkäne 1
Rovaniemi 3 Salo 1
Kaarina 2 Harjavalta  1
Karkkila 1 Kangasala 1
Lempäälä 1 Ilmajoki 1
Rantasalmi 1 Pirkkala 1
Hausjärvi 1 Naantali 1
Asikkala 1 Savonlinna 1
Punkalaidun 1 Pukkila 1
Huittinen 1 Kiuruvesi 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 210 qof, tiradaasoo 7 qof ka badan intii daryeelka isbitaalka ku jirtay Talaadadii, Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  38 qof, waxaana Khamiistii kaddib ku soo kordhay 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 742 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 232 qof, kuwaasoo 1 167 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 64-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 370 874 qof (28.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       37 444 035     114 461 339
               850 120          2 539 040

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS