Qof lagu tijaabaniyay tallaal loogu talogalay feyruska korona oo dhintay

Nin u dhashay dalka Baraaziil oo si iskiis ah uga qaybqaadanayay tijaabinta tallaal loogu talaggalay feyruska korona ayaa dhintay, sidaasna waxaa sheegay howlwadeennada wasaarada caafimaadka ee dalka Baraaziil. Ninkaas wuxuu ka qaybgalay tallaal ay tijaabadiisa si wadajir ah u wadeen jaamacadda Oxford iyo shirkadda Astra Zeneca.

Sikastaba, waxaa howlwadeennada caafimaadka ee dalka Baraaziil ay sheegeen in tijaabinta tallaalka la sii wadi doono. Sidoo kale jaamacadda Oxford ayaa sheegtay in ay qiimeyn dhab ah ku sameeyeen xaaladda dhimashada ee qofka Baraaziiliyaanka ah, waxaana ay xaqiijiyeen in ammaanka caafimaad ee tallaalka aanu wax welwel ah ka jirin. Sida jaamacaddu ay sheegtay koox baarayaal ah oo iyaga ka madaxbannaan ayaa soo jeediyay in tijaabinta tallaalka la sii wado.

Shirkadda Astra Zeneca ayaa bishii September sheegtay in ay joojinayso baaritaankii tallaalka, sababtoo ah waxaa xanuunsaday qof u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu tijaabinayay tallaalka. Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysay qof aan la magacaabin, ayaa sheegtay in dowladda Maraykanku ay tijaabinta tallaalkaas sii wadeyso, iyadoo ay jirto in howlwadeennada dowladda Maraykanka loo sheegay dhimashada qofkii lagu tijaabinayay tallaalka. Waxaana la sheegay in qofkaa Baraaziiliyaanka ah uu tijaabinta tallaalka ka qaaday xanuun neerfayaasha oo dhif ah.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa sidoo kale shirkadda daawada ee Johnson & Johnson ayaa joojisay tijaabinta tallaal maraayay marxaladdii saddexaad ee ugu dambeysay, kaddib markii  qofkii lagu tijaabinaayay uu xanuunsaday.

Waxaa haatan dalal badan oo dunida ka tirsan ay wadaan tijaabinta tallaal la doonayo in looga hortago feyruska korona, iyadoo dal walbaa uu doonaayo in uu qaato libinta soo saasirta tallaalkaas. Dalalka Ruushka iyo Shiinaha ayaa hore u sheegay in ay wadaan tijaabinta tallaalo cusub oo feyruska korona ah, islamarkaana ay marxaldihii ugu dambeeyay marayaan.

Dhinaca kalena, waxaa jira dalal badan oo iyaguna shaki ka muujiyay ammaanka caafimaad ee tallaaladaas.

Xigasho: