Finland waxaa laga helay maanta 201 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Jimce 25.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 201 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 34 648 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 40 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 127 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 62 qof, Vantaa: 34 qof, Espoo: 23 qof, Turku: 8 qof, Tampere: 8 qof, Oulu: 5 qof, Hämeenlinna: 4 qof, Lappeenranta: 4 qof,  Lahti:4 qof, Virrat: 4 qof, Nurmijärvi: 3 qof, Kaarina: 3 qof, Kouvola: 3 qof, Lieto: 2 qof, Kotka: 2 qof, Jyväskylä: 2 qof, Maarianhamina: 2 qof, Riihimäki: 2 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 258 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 524 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 24 987 901   79 835 019
 

Tirada u dhimatay feyruska

    539 999      1  751 452

 

 Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 19,1   milyan  193 030    2 835 337 066
  2 Hindiya 10,1   milyan    23 924       350 147 128
  3 Baraaziil 7,42   milyan    58 916       768 190 032
  4 Ruushka 2,96   milyan    29 935       635   53 096
  5 Faransiiska 2,52   milyan    21 634       290   62 268
  6 Ingiriiska 2,18   milyan    39 036       574   69 625
  7 Turkiga 2,10   milyan    18 102       254   19 115
  8 Talyaaniga 2,00   milyan    18 040       505    70 900
  9 Spain 1,86   milyan    10 967       126    49 824
10 Jarmalka 1,61 milyan     26 418       554    29 681
11 Arjantiin 1,57   milyan       7 815         78    42 392
12 Kolombiya 1,55   milyan     14 940       280    41 454
13 Meksiko 1,35   milyan     11 653       816  120 311
14 Poland 1,24   milyan      13 119       497    26 752
15 Iiraan 1,18   milyan        6 718       152    54 308
16 Peru 1,00   milyan        1 719         44    37 317
17 Ukraine 1,00   milyan      11 149        233    17 395

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS