Finland waxaa laga helay maanta 29 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Isniin 14.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 29 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 93 850 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 12 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 10
Espoo 8
Nurmijärvi 3
Joensuu 2
Sipoo 2
Kirkkonummi 2

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 52 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  9 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 964 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 8 393 oo qof, kuwaasoo 6 883 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 367 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 141 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 09.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 845 519 oo qof (11.06). labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 725 928 oo qof.

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 176 771 427 53,4
Tirada u dhimatay feyruska 3 820 729 1,2

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 5 088 965 53 535 06
Tirada u dhimatay feyruska  135 050 745 009

 

Qaaradda W/Amerika Qaaradda K/Amerika
Tirada feyruska laga helay 40 169 407 30 659 751
Tirada u dhimatay feyruska      907 614 933 492

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 29,507,438     68 400   1 761  374 287
Baraaziil 17,413,996     36 998   1 118  487 476
Ruush 5,208,687     14 723      357  126 430
Arjantiin 4,124,190     13 043      268    85 343
Kolombiya 3,753,224     28 519      586    95 778

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,083,456        14 537
63 Denmark 289 874    315      2    2 525
88 Norwey 128,046    60           789
159 Iceland  6 616                 30
42 Saudi-Arabia  465,797    1 017     19     7 572
133 Soomaaliya  14 817    38             774

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS