Wararka Caalmka ee Feyruska korona iyo maanta

Finland waxaa laga helay 39 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Khamiis 10.9.2020 laga helay feyruska korona 39 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8 469 qof.

Finland oo dabcin doonta xadaynta saaran safaradda

Wargeyska Helsingin Sanomat ayaa shaaca ka qaaday in dawladdu ay haatan wado qorshe ay ku dabcinayso ilaalinta xadka iyo safarka lagu imaanaayo dalkan Finland.

Sida wargeysku sheegay waxaa xilliyada soo socda la imaan karaa Finland iyadoo aanu qofku gelin wax karantiil ah, haddii uu ka yimid wadamada ay tirada uu ku dhacay feyruska korona ay boqolkii kun ee qofba ka tahay 25 qof, afar iyo tobankii maalmood ee safarkiisa ka horreysay. Xadka hadda yaalla waa 8 qof.

 Ra’iisul wasaaraha Finland Sanna Marin oo shaqda ka sii wadaysa dhanka internetka

 Ra’iisulwasaaraha dalkan Finland Sanna Marin ayaa laga bilaabo maanta waxaa ay hawsha ka sii wadi doontaa guriga ra’isulwasaaraha ee xilliga shaqada loogu ee ku yaalla Kesäranna. Waxaana ay hawlaha ka wadi doontaa dhanka internetka, iyadoo laga shaki qabo in ay u nuglaatay feyruska korona. Waxaana ra’iisulwasaaraha laga qaadi doonaa saamiga lagu baaraayo feyruska korona. Haatan ma jiraan wax astaamaha cudurka ah oo ka muuqda, caafimaadkeeduna aad buu u wanaagsan yahay, waxaa sidaa sheegay xafiiska xoghaynta ee golaha dawladda.

Dalka Ruushka oo laga helay in kabadan 5300 oo qof oo qaba feyruska korona

Dalka Ruushka waxaa maanta laga diiwaangeliyay tiradii ugu badnayd ee uu ku dhaco feyruska korona bishii Luulyo kaddib. Hawlwadeennada wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in maanta laga helay 5363 kiis oo cusub oo feyruska korona ah.

Tirada guud ee illaa iyo imminka laga helay feyruska waa 1 046 370 qof. Sida ay hawlwadeennadu sheegeenna 82% dadkaasu waa ay ka bogsadeen xanuunka.

Waxaa dalka Ruushka ku geeriyooday 18 263 qof oo u dhintay feyruska korona awgiis. Maanta kaliya waxaa la sheegay in 128 qof ay u dhinteen feyruska.

 

Isha wararka: Yle, HS