Xaflad lagu daahfuray Kiliinig casri ah oo lagu magacaabo FinnMedPro ayaa ka dhacday magaalada Helsinki

Waxaa magaalada Helsinki, gaar ahaan xaafadda Kannelmäki maanta oo ku beegan 11.7.2020 laga furay cisbitaal yare ama kiliinig gaar loo leeyahay oo bixinaysa daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo kan takhasuska ah.

Rugtan caafimaad oo lagu magacaabo FinnMedPro ayaa waxaa dhidibada u taagay islamarkaana ka shaqeeya dhakhaatiir Soomaaliyeed oo takhasusaad kala gedisan leh, sida caafimaadka wadnaha, neerfaha, qalliinada, lafaha, caafimaadka guud, indhaha iyo qaar kale oo badan.

Dr. Abdiwahid Alibeto oo sharraxaya qaybaha cisbitaalka

Dr. Abdiwahid Alibeto oo ah maareeyaha ama madaxa isbitaalkan cusub oo ka warbixinayay waxqabadyada iyo adeegyada ay bixinayaan ayaa si gaar ah carabka ugu adkeeyay in adeegyada caafimaad ee takhasusgiga ah ka sokow ay qorsheynayaan in maalmaha qaar ay si iskaa ah bulshada Soomaliyeed ugu fidiyaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay ku talajiraan in ay booqasho ku tagaan goobaha bulshadu ku badantahay sida masaajidda si ay dadka u siiyaan wacyigelin guud oo la xiriirta caafimaadka iyo nololwanaagga.

Adeegyada kale ee sida gaarka ah dadka u soo jiitay ee uu cisbitaalku bixinayo ayaa ah gudniinka wiilasha, kaas oo ay Muslimiinta ku dhaqan Finland ay dhibaato weyn ku qabeen helitaankiisa.