Dibadbax aad u ballaaran oo looga soo horjeeday hadallada cunsuriyadda ah ee Wasiirka maaliyadda Finland iyo guud ahaan cunsuriyadda oo Helsinki ka dhacay iyo kumannaan dad ah oo ka qaybgalay

Xuquuqda Sawirka: Abdi Musse/SSMV

Dad ka badan 5000 (shan kun) oo qofood ayaa maanta dibadbax ka dhan ah siyaasadda gurracan ee cunsuriyadda lagu laray ee xisbiga xukuumadda Finland ka tirsan ee ”Perussuomalaiset” ka dhigay bartamaha magaalada Helsinki.

Dibadbaxayaasha oo watay boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay uga soo horjeedaan cunsuriyadda qaawan ee ay ku kacday guddoomiyaha Xisbiga Midigta fog ee ”Perussuomalaiset” islamarkaasna ahna ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo wasiirka maaliyada Finland, Riikka Purra.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qaylinyay hal-ku-dhigyo ay ku dalbanayeen in Riikka Purra xilka ka laga qaado iyo in xukuumaddu dhacdo.

Bannaanbaxayaasha ayaa socodkooda ka billaabay xarunta xukuumadda Finland (Säätytalo) waxayna socod ku tageen Baarlamaanka Finland hortiisa, halkaas oo ay ka sii wadeen dalabkooda ahaa, in Wasiirka maaliyadda Finland Riikka Purra xilka laga qaado.

Arrinta ugu weyn ee sababtay dibadbaxan ayaa ah, qoraallo liddi ku ah haweenka Muslimiinta ah iyo kicin ka dhan ah dadka soogalootiga ah ee Finland gaar ahaan Soomaalida oo ay horay u qortay haweeneyda hoggaamisa xisbiga midigta fog islamarkaasna ah wasiirka maaliyadda Finland Riikka Purra.

Xuquuqda sawirrada Abdi Musse Mohamud/SSMV