Tababar ku saabsan farriimaha warbaahineed iyo sida loo isticmaalo Podcast oo lagu qabtay Helsinki

Tababar ay ka soo qeybgaleen ugu yaraan 15 qof oo lagu baranayay tebinta farriimaha warbaahineed iyo qaabka loo sameeyo “Podcast” ama farriin codeedyada ayaa lagu qabtay  xarunta Ururka Midnimada Soomaaliyeed (SSL) ee magaalada Helsinki.

Ujeedka Tababarka oo ahaa in dadka loo diyaariyo sidii ay u gudbin lahaayeen farriimaha warbaahineed ee dhanka wanaagga ah, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee deggan dalkan Finland.

“Tababarkan ayaa lagu bartay sidii farriimaha warbaahineed ee wanaagsan loo gudbin lahaa, si ay u helaan dadka Soomaaliyeed metelaad dhab ah” Cabdulrahman Cabdi Raage, guddoomiye ku xigeenka Ururka Midnimada Soomaaliyeed ayaa u sheegay SSM.

Ka qeybgalaasha ayaa bogaadiyay tababarkan oo ay wax badan oo aysan ka ogeyn qaab gudbinta farriimaha warbaahineed ay ka faa’iideen, iyagoo codsaday in la joogteeyo barnaamijyada nuucan oo kale.

Cabdulqaadir Macalin Cilmi oo ka tirsanaa ka qeybgalayaasha ayaa sheegay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu tababarkan ka bartay ay ahayd “in uu wax gudbin karo”

“Maanta tababarkan waxaan ka bartay qaabkii aan u gudbin lahaa farriin warbaahineed, agabkii aan u isticmaali lahaa” Cabdulqaadir Macalin Cilmi ayaa yiri, isagoo intaa ku diray in tababarkan igu dhiirigeliyay in aan agabkaas soo iibsado.

Sidoo kale, Sugulle Said Salah oo ka mid ahaa ka qeybgalayaasha ayaa sheegay in tababarkan uu waxweyn ka faa’iidey gaar ahaan waxa farriin warbaahineed tahay iyo agabka loo isticmaalo gudbintaas.

Barnaamijka oo muuqaal ah halkan hoose ka daawo