Xerada qaxootiga ugu weyn ee jasiiaradda Lesbos ee dalka Giriiga oo dab aad u xoog badan uu ka kacay

Xerada qaxootiga ugu weyn ee jasiiradda Lesbos ee dalka giriiga ayaa lagu soo warramayaa in dadkii degganaa laga daadgureeyay, kaddib markii dab xoog leh uu xerada qabsaday. Xerada Moria waxaa ku nool dad qaxooti ah oo tiradooda lagu qiyaasay 13.000 oo qof. Waxaana dawladdu ay jasiiradda ku soo rogtay xaalad degdeg ah.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP xerada gabi ahaanteeduba waa ay holceysaa, iyo waliba goobaha u dhow oo dhan, waxaana dadka xerada deggan qaarkood ay xilliga dabku kacayay ay hurdeen teendhooyinkooda.

Sida ay hawlwadeennada dawladdu sheegeen dabka halkaas ka dhashay qaar ka mid ah waxaa uu ka yimid xerada bannaankeeda, waxaana sida uu afhayeenka dawladdu sheegay ay baaritaan ku hayaan wararka qaar tilmaamaya in falkan uu ahaa mid ulakac ah oo loogu talaggalay in xerada lagu gubo.

Ururka taageera arrimaha qaxootiga ee loo yaqaan Stand by Me Lesvos oo xaaladda sawir guud ka bixinaayay, ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid aad u daran. Sida ururku sheegay meel kastaa waa ay gubanaysaa, xerada oo dhan ayaa isla holceysa, dadkii waxaa ay u carareen dhanka buuraha, qaarkoodna dhanka magaalada ayay abbaareen, guriyhii ay ku nolaayeenna waa ay baaba’een.

Xerada qaxootiga waxaa toddobaadkii hore la geliyay karantiil, kaddib markii qaar ka mid ah dadka xerada ku nool laga helay feyruska korona. Waxaana wasaaradda qaabilsan arimaha ajaanibta ay sheegtay in xerada ay xirnaan doonto illaa iyo dhammaadka bisha September.

Sida wararku tilmaamayaana tirada dadka laga helay feyruska korona ee xerada ku nool waxaa ay ahayd 35 qof.

Wakaaladda wararka ee Reuters waxaa ay sheegtay in aan wali la ogeyn sababta keentay in dabkaas uu kaco ama cidda ka dambeysa. Sida wakaaladdu sheegtay xerada qaxootiga gudaheeda waxaa ka jirtay xaalad deganaansho la’aan ah, kaddib markii ay dadka xerada deggan maqleen wararka ku saabsan in la qorsheynaayo sidii looga wareejin lahaa xeradaas.

Xubnaha qoyska dadka laga helay feyruska waxaa uu qorshuhu ahaa in loo wareejiyo dhismo bakhaaro ahaan loogu talaggalay, si halkaas go’doon ahaan loogu geliyo.  Qaar ka mid ah dadka ayaa u cararay dhanka buuraha, iyagoo ka cabsi qaba in cudurku uu ku faafo.

Xaaladda xerada qaxootiga ee Moria ayaa aad looga soo deyrinayaa, waayo tirada xeradu qaadi karto in ay ku noolaadaan waa 3000 oo qof oo kaliya.

Isha warka:/ Yle