Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 288 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 3 dhimsho cusub ah

 Arbaca 18.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 288 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 19 935 qof.

Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 50 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 174 xaaladood oo cusub Helsinki: 95 qof, Espoo: 30 qof, Vantaa: 25 qof, Turku : 14 qof, Oulu: 12 qof, Uusikaarlepyy: 8 qof, Kouvola: 7 qof, Mikkeli: 7 qof, Sodankylä iyo Nurmijärvi:  5 qof magaalo kasta, Kirrkonummi, Kotka, Tampere, Pedersören: 4 qof magaalo kasta, Tornio, Pieksämäki, Joensuu, Pietarsaari, Kerava: magaalo kasta 3 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 90 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 12 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Laga bilaabo isniintii la soo dhaafay waxaa tirada dadka u baahan daryeelka isbitaalka ku soo korodhay 10 qof. Sida ay maanta sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa feyruska awgiis u dhintay 3 qof oo hor leh,  taasoo wadarta guud ee tirada dhimashada ka dhigeysa 374 qof. Tirada dadka dhintay ee ka tirsan waaxda caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa waa 294 qof. Dadka dhintay 153 qof oo ka mid ah waxaa ay da’doodu u dhexeysay 80-89 sano jir.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

14 512 522 55 624 562
 

Tirada u dhimatay feyruska

333 255 1 337 320

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 11,6   milyan   157 261    1 615 254 255
2 Hindiya 8,91   milyan      38 532       472 131 031
3 Baraaziil 5,91   milyan      35 018       676 166 743
4 Faransiiska 2,03   milyan      14 542       625   46 273
5 Ruushka 1,97   milyan      20 051       442   33 931
6 Spain 1,53   milyan      13 159       435   41 688
7 Ingiriiska 1,41   milyan      21 363       598   52 745
8 Arjantiin 1,32   milyan      10 621       379   36 106
9 Talyaaniga 1,23   milyan      32 191       731   46 464
10 Kolombiya 1,21   milyan        5 911       158   34 381
10 Mexico 1,009 milyan        2 874       319   98 861
Xigasho : YLE, HS, Worldmeter