Finland waxaa laga helay maanta 607 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah iyo 18 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Arbaco 31.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 607 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 77 452 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 8 9759 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 69 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka feyruska korona.Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 362 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 76 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 60 qof .

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 161 Mikkeli 4
Vantaa 86 Seinäjoki 4
Espoo 58 Savonlinna 4
Tampere 43 Kokkola 2
Turku 48 Joensuu 2
Lahti 27 Pielavesi 2
Kerava 13 Eura 2
Järvenpää 7 Eurajoki 2
Nurmijärvi 9 Rauma 2
Sipoo 5 Heinola 2
Salo 15 Pirkkala 2
Raiso 4 Kangasala 2
Naantali 3 Hyvinkää 2
Ylöjärvi 6 Kirkkonummi 1
Lempäälä 3 Vihti 1
Valkeakoski 3 Mäntsälä 1
Oulu 4 Kauniainen 1
Raahe 4 Kaarina 1
Jyväskylä 3 Uusikaupunki 1
Hollola 3 Sauvo 1
Kouvola 4 Nokia 1
Hamina 7 Iitti 1
Kuopio 3 Orimattila 1
Lappeenranta 12 Pori 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 295 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  50 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 844 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in 18 qof oo hor leh ay maanta u dhinteen feyruska korona. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 25 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 584 qof, kuwaasoo 2 403 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 180-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 892 580 oo qof (31.03)

 Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 

4376 967

 

128 958 594

 

 

Tirada u dhimatay feyruska

 

 

952 005

 

 

2 818 975

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 31,097,154    62 459       873  564 138
2 Baraaziil 12,664,058    86 704    3 668  317 936
3 Hindiya 12,148,487    53 158       355  162 502
4 Faransiiska   4,585,385     30 702       348    95 337
5 Ruushka   4,536,820       8 277      409    98 442
6 Ingiriiska   4,341,736       4 040        56  126 670
7 Talyaaniga   3,561,012     16 017       529  108 879
8 Turkey   3,277,880    37 303       155    37 303
9 Spain   3,275,819      4 994       106    75 305
10 Jarmalka   2,809,510    13 110        234    76 833
11 Kolombiya   2,397,731      7 952       176    63 255
12 Arjantiin   2,3332,765    10 514        125    55 736
13 Poland   2,228,843    20 887        461    52 392
14 Mexico   2,227.842      1 292        203  201 826
15 Iiraan   1,875,234    10 250         91    62 569
16 Ukraine   1,662,942    10 533        286    32 418
17 Koonfur-Afrika   1,546,735        756          78    52 788
18 Peru   1,540,077      6 956         166    51 801
19 Czechia   1,523,764      6 934         162    26 336
20 Indonesia   1,505,775      4 682        173    40 754
21 Netherlands   1,264,983      5 828           36    16 509

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS