Finland waxaa laga helay maanta 324 xaaladood oo feyruska korona ah

Sabti 09.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 324 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 38 392 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 57 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 135 qof iyo Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 41 qof, iyo Gobolka Varsinais-Suomi oo 31 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 76 qof, Vantaa: 60 qof, Oulu: 33 qof, Turku: 22 qof, Espoo: 20 qof, Lahti: 11 qof, Tampere: 10 qof, Jyväskylä: 6 qof, Tornio: 6 qof, Jårvenpää: 5 qof, Kuopio: 5 qof, Kotka: 4 qof, Pori: 4 qof, Joensuu: 3 qof, Kouvola: 3 qof, Kerava, Häemnnlinna, Naantali, Kangasala, Eurajoki, Vihti, Imatra, Salo, Porvoo, Hyvinkää, Lieto, Kemi, Utäjärvi iyo Kirkkonummi: oo min 2 qof laga helay, iyo magaalooyinka soo haray oo min hal qof laga helay

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 176 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 29 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 586 qof.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.

Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.

Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 28 547 703    89 468 748
      607 005      1 924 308

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 22,5 milyan 306 449    3 969  378 204
2 Hindiya 10,4 milyan    18 482       229  150 835
3 Baraaziil 8,01 milyan    54 247    1 044  201 542
4 Ruushka 3,35 milyan    23 652        454    60 911
5 Ingiriiska 2,95 milyan    68 053     1 325    79 833
6 Faransiiska 2,74 milyan    19 814       381    67 431
7 Turkiga 2,30 milyan    11 479       186    22 450
8 Talyaaniga 2,23 milyan    17 533       620    77 911
9 Isbeyn 2,05 milyan    25 456       199    51 874
10 Jarmalka 1,89 milyan    25 811    1 143    40 401
11 Kolombiya 1,75 milyan    18 221       364    45 431
12 Arjantiin 1,70 milyan    13 346       151    44 273
13 Meksiko 1,49 milyan     13 734    1 044  131 031
14 Poland 1,36 milyan       8 986       331    30 573
15 Iiraan 1,27 milyan       6 251        85    56 018
16 K/Afrika 1,19 milyan     21 980       616    32 425
17 Ukriane 1,10 milyan       5 676         83    19 588
18 Peru 1,03 milyan       2 781         96    38 145

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS