Finland waxaa laga helay maanta 331 xaaladood oo feyruska korona ah

Arbaca 06.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 331 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 37 549 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 184 qof, gobolka Varsinais-Suomioo 63 qof ah, iyo Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 25 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 76 qof, Vantaa: 50 qof, Turku: 48 qof, Espoo: 28 qof,Oulu:18 qof, Porvoo: 8 qof, Salo: 7 qof, Jyväskylä: 5 qof, Hyvinkää: 5qof, Kouvola, Tampere, Järvenpää, Kuopio iyo Pietarsaari: oo min 4 qof ah, Lahti, Mustasaari, Paimio, Sievi, Raasepori, Pieksämäki iyo Maalahti: oo min 3 qof ah. Vaasa, Mäntsälä, Keminmaa, Lappeenranta, Tuusula, Raisio, Kerava,Kempele iyo Nurmijärvi: oo min 2 qof ah, iyo inta kale ee magaalooyinka soo haray oo min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 188 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 25 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 576 qof.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.

Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.

Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

27 676 479    86 950 075
        595 625      1 878 504

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 22,4 milyan 226 593   3 543 365 664
2 Hindiya 10,4 milyan    17 909       265 150 151
3 Baraaziil 7,81 milyan    57 447   1 186  197 777
4 Ruushka 3,28 milyan    24 246       518    59 506
5 Ingiriiska 2,77 milyan    60 916       830    76 305
6 Faransiiska 2,68 milyan    20 489       420    66 282
7 Turkiga 2,27 milyan    14 494       194    21 879
8 Talyaaniga 2,18 milyan    15 378       649    76 329
9 Isbeyn 1,98 milyan    16 343       120    51 430
10 Jarmalka 1,81 milyan    18 349    1 198    37 180
11 Kolombiya 1,70 milyan    16 835       239    44 426
12 Arjantiin 1,66 milyan    13 790       151    43 785
13 Meksiko 1,45 milyan       6 464       544  127 757
14 Poland 1,33 milyan       7 693       341    29 502
15 Iiraan 1,25 milyan       6 113         98    55 748
16 K/Afrika 1,12 milyan     14 410       513    30 524
17 Ukriane 1,08 milyan       5 334       202    19 129
18 Peru 1,02 milyan          960         52    37 925

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS