Dadka aan qaadan tallaalka feyruska Korona ayaa noqday kuwa xaaladdoodu ay aadka u liidato ee ku jira waaxda gargaarka degdegga ah ee isbitaalka

Isniin 20.08.2021 Wargayska Helsingin Sanomat oo soo xiganaaya qaar kamid ah isbitaallada dalka ayaa sheegay, in dadka haatan la ildaran xanuunka feyruska korona ee ku jira qaybta gargaarka degdegga ah ee isbitaallada, ay yihiin kuwa aan wali qaadan tallaalka looga hortagaayo feyruska korona. Arrinkaasna waa mid dhibaato iyo culays ku ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka.

Dhakhtar sare oo ka tirsan qaybta gargaarka degdegga ah ee isbitaalka Jorvi Tero Varpula ayaa sheegay, in illaa iyo xilligii deyrta oo dhan dadka loogu keenaayay qaybta gargaarka degdegga ah ee uu hayo cudurka aadka u daran ee feyruska korona ay ahaayeen oo kaliya dadka aan wali qaadan tallaalka. Waxaana uu dhakhtarku yiri: ” maadaama aan ognahay in tallaalka la heli karo, oo waliba uu yahay lacag la’aan, taa macnaheedu waxaa weeye in qof kasta oo isagoo aan tallaalka qaadan la keeno qaybta gargaarka degdegga ah xanuun awgiis, uu arrinkaas yahay mid macno darro ah.

Illaa iyo haatan waxaa dalkaan Finland qaybta gargaarka degdegga ah lagu daryeelay dad tiradoodu gaarayso 1000 qof. Dadkaas toban qof oo ka mid ah ayaa iyagoo qaatay tallaalka labada qaybood ah uu ku dhacay feyruska korona. Dadka iyagoo soo qaatay hal tallaal haddana la keenay qaybta gargaarka degdegga ah, waxaa ay tiradoodu gaaraysay 41 qof.

Dadka ku jiray qaybta gargaarka degdegga ah, waxaa 60 boqlkiiba ay ahaayeen dadka deggan caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Dhakhtarka Varpula waxaa uu muujiyay welwelka ka haya awoodda waxqabad ee shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee qaybta gargaarka degdegga ah, isagoo sheegay in haatan dhanka daryeelka caafimaadka ay ka jirto shaqaale yari, iyadoo qaybta gargaarka degdegga ahna ay waligeedba si joogto ah uga jirtay shaqaale la’aanta.

Khubaro badan oo dhanka caafimaadka ah ayaa soo bandhigay arrinka ah, in dadka la soo dhigi doono qaybta gargaarka degdegga ah ay sii badan doonaan, maadaaa ay jiraan tiro aad u badan oo aan wali qaadan tallaalka feyruska korona.

Mudada ay bukaanka feyruska korona daryeel ahaanta ugu jiraan qaybta gargaarka degdegga ah waa mid aad u dheer. Celcelis ahaan waxaa ay qaadataa muddo 11 cisho ah.

Sida uu sheegay dhakhtar Varpula tiro gaaraysa 15 boqolkiiba oo ka mid ah dadka aan qaadan tallaalka feyruska korona, ayaa u dhimata cudurka awgiis.

Sida ay dhakhaatiiru caddeeyeen, xittaa qofkii ka baxa qaybta gargaarka degdegga ah, waxaa noloshiisa daba socon doona daryeel caafimaad oo la xiriira cudurrada iyo waxyaabaha ka dhashay feyruska korona ee ku dhacay qofka.

Waxaa uu Varpula yiri:” Marka aad 11 cisho sariir saaran tahay, waxaa xilligaas baaba’aya murqihii jirka iyo awooddoodiiba, waxaana ka soo kabashada arrinkaas ay qaadanaysaa muddo dhowr bilood ah.

Sidoo kale cudurka feyruska korona wuxuu baabi’inayaa unugyada sambabka. Waxaana haatan sida uu sheegay dhakhtar Varpula ka socda isbitaalka jaamacadda ee HUS, baaritaan arrinkaas la xiriira.

Dalka Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka ay qaybta gargaarka degdegga ah ee isbitaalka ka buuxaan dadka aan wali qaadan tallaalka, kuwaaso uu ku dhacay cudurka aadka u daran ee feyruska krona, sababtaas awgeedna loo dhigay isbitaalka. Wargayska la yiraahdo The Washington Post ayaa dhowaantan maqaal ka qoray nin deggan magaalada Alabama oo qaba cudurka wadno xanuunka, kaasoo laga celiyay illaa 10 isbitaal oo kala duwan oo uu daawo ka doonaayay, sababtoo ah waxaa isbitaalladaas buux dhaafiyay bukaannada la ildaran feyruska korona.

Virpula waxaa uu sheegay, in Finland aan sida Maraykanka oo kale dadka laga celinaynin albaabka isbitaalka. Dalkaan Finland sida uu dhakhtarku sheegay tirada dadka cudurka awgiis isbitaalka u galaaya waa mid isu dheellitiran, iyadoo si isle’eg loogu qaybiyo dadka bukaanka ah dhammaanba isbitaallada dalka.

Xigasho: HS