2 584 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 22 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 29.12.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimcihii kaddib illaa maanta  laga helay feyruska korona  2 584 oo qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 239 339 qof.

Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 343 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 56 bukaan ah. Tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 548 oo qof, waxaana ay hay’adda THL ayaa sheegtay in xaaladaha dhimashada cusub ay gaarayso 22 qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in  xaaladda tallaalka ay tahay sidatan soo socota:

  1. Talaalka qaybta koowaad waxaa qaatay 4 287 779 qof , taasoo u dhiganta 87,8%
  2. Tallaalka qaybta labaad waxaa qaadatay 4,081 milyan qof, taaso u dhiganta 83,6%
  3. Qaybta saddexaad ee tallaalka waxaa qaadatay 890 000 qof, taasoo u dhiganta 20,7%.

Xigasho:Yle