10 000 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 10 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 11.1.2022. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimcihii kaddib illaa maanta  laga helay feyruska korona  10 000 oo qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 338 615 qof.

Faafista cudurka ee ugu weyn waxaa laga helay Gobolka Uusimaa ee caasimadda Helsinki iyo nawaaxigeeda, taasoo tirada laga helay aay noqotay 4 363 qof. Gobolka labaad ee tirada ugu badan ee krorona laga helay waa gobolka Pirkanmaa oo laga helay 1438 qof.

Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 320 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 60 bukaan ah. Tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 666 oo qof, waxaana ay hay’adda THL ayaa sheegtay in xaaladaha dhimashada ee cusub ay gaarayso 10 qof.

 

 

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in  xaaladda tallaalka ay tahay sidatan soo socota:

  1. Talaalka qaybta koowaad waxaa qaatay 4 287 779 qof , taasoo u dhiganta 87,8%
  2. Tallaalka qaybta labaad waxaa qaadatay 4,081 milyan qof, taaso u dhiganta 83,6%
  3. Qaybta saddexaad ee tallaalka waxaa qaadatay 890 000 qof, taasoo u dhiganta 32%.

Dhammaan gobollada dalka waxaa la soo saaray xadaymo hor leh oo dhaqangeli doona 31.1.2021, taasoo lagu sheegay in la joojin doono dhammaanba wixii isu imaatin ah iyo goobaha isboortiga oo dhan.

Xigasho: Yle