Dowladda Finland oo 3 Milyan oo EURO oo dheeri ah ugu deeqday Soomaaliya

Medical workers at a (COVID-19) call centre provide free consultations due to the spread of the coronavirus disease (COVID-19) continues, in Mogadishu, Somalia on 22 April 2020. UN Photo/Omar Abdisalan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland ayaa sheegtay inay kordhisay taageerada dhaqaale oo ay siineyso Soomaaliya, iyadoo ugu deeqday 3 milyan oo Euro oo dheeri ah, iyadoo dowladda Finland horey ugu deeqday Soomaaliya 3 Milyan oo Euro, taasoo ka dhigeyso taageerada dhaqaale ee ay dowladda Finland siisay Soomaaliya 6 Milyan, sida ay Safaarada Finland ee Soomaaliya ku sheegtay war saxaafadeed maalinimadii Arbacadda ay soo saartay.

Lacagahan oo la sii marsiin doono xafiiska Qaramada Midoobey ee UNFPA ayaa waxa ay wax ka tari doonaan horumarinta Caafimaadka, gaar ahaan caafimaadka haweenka iyo gabdhaha tabarta yar ee ku nool xeryaha barakaca iyo guud ahaan tayeynta hay’adaha caafimaadka Soomaaliya ee la tacaalaya fiditaanka cudurka Koronafayrus ee loo yaqaano COVID.

Soomaaliya ayaa cudurka COVID19 waxa uu ku dhacay dad gaaraya 2,860,. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in 25 kiis oo cusub la diiwaan geliyay 24 Juun keliya. Helista agab caafimaad oo tayo lehna uu qatar gelin doono nolosha malaayiin Soomaali ah.

Safiirka Soomaaliya ee Finland Erik Lundberg ayaa sida lagu sheegay warsaxaafadeedka aad uga walaacsan saameynta taban ee cudurka COVID 19 uu ku yeelanayo nolosha haweenka iyo gabdhaha ee ku jira xeryaha barakaca ee Soomaaliya iyo guud ahaan kuwa adduunka.

Dowladda Finland ayaa 1 Milyan oo Euro ku taageeraysa guddiga Qaran ee COVID19, lacagtaas oo la sii marsiin doono hay’adda UNFPA, halka lacagta inta ka hartayna lagu taageeri doono haweenka iyo gabdhaha xeryaha barakaca ku jira, iyadoo sidoo kale lacagta taageerada ay xoojin doono sheybaarka qaran ee dalka Soomaaliya si loo xoojiyo tayada iyo awoodda sheybaarka ee baaritaanka cudurka Koronafayrus ee loo yaqaaano COVID 19.

“Xiligan dhibaatooyinka lagu jiro, waxaanu xoojin doonaa dadaalkeena anagoo kaashaneyna hay’adda Qaramada Midoobey ee UNFPA iyo dowladda Soomaaliya si loo yareeyo dhimashada caruurta ee xiliga dhalmada” Ambassador Lundberg ayaa yiri sida war saxaafadeedka lagu sheegay.

Xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Finland ayaa ah mid taariikh fog leh, waxa ay dowladda Finland muddo aad u fog ka taageereysay Soomaaliya horumarinta caafimaadka, iyadoo Finland ay ka go’an tahay taageeradeeda taariikhiga ah ee ay siiso hay’adaha caafimaadka Soomaaliya si loo yareeyso dhimashada ku timaado caruurta xiliga dhalmada.

Sidoo kale Soomaaliya waxaa dib ugu laabtay Soomaali badan oo dhalashada dalkan Finland heysata si ay aqoontii ay ku barteen ugu celiyaan Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka oo English ah