Finland waxaa laga helay maanta 312 xaaladood oo feyruska korona ah

Axad 14.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 312 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 50 319 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 63 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 167 qof, waxaa ku xiga gobolka Vaasa oo laga helay 29 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo 28 qof laga helay iyo gobolka Satakunta oo laga helay 25 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 93 qof, Vantaa: 34 qof , Vaasa: 20 qof, Turku: 18 qof , Espoo: 18 qof, Jyväskylä:18 qof, Pori: 15 qof, Rauma: 10 qof, Järvenpää: 6 qof, Tampere: 6 qof, Paimio: 5 qof, Tuusula: 5 qof, Närpiö: 4 qof, Lahti: 3 qof, Maalahti: 3 qof, Kirkkonummi: 3 qof, Oulu: 3 qof, magaalooyinka kala ah : Joensuu, Kerava, Nurmijärvi, Lohja, Keminmaa, Kouvola, Uusikaarlepyy, Mikkeli, Hämeenlinna iyo Raiso waxaa laga helay min 2 qof. Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 109 qof sida ay sheegtay hay’adda THL,  kuwaasoo 18 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 710 qof. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada dhimashada ku soo korodhay 18 qof.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 209 510 qof (14.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       35 420 027     109 165 453
            784 040          2 406 677

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 28,196,964    86 275    2 272  496 063
2 Hindiya 10,904,738    12 188         95  155 673
3 Baraaziil   9,811,255    45 561    1 046  238 647
4 Ruushka   4,057,698    14 861       502    79 696
5 Ingiriiska   4,027,106    13 308       621  116 908
6 Faransiiska   3,448,617    21 231       199    81 647
7 Isbeyn   3,056,035               64 747
8 Talyaaniga   2,710,819    13 532       311    93 356
9 Turkey   2,579,896      7 706         93    27 377
10 Jarmalka   2,336,905      6 483        379    65 415
11 Kolombiya   2,190,116      4 947        229    57 425
12 Arjantiin   2,021,553      6 057        159    50 188
13 Meksiko   1,978,954    10 338     1 323  172 557
14 Poland   1,583,621      6 586        284    40 709
15 Iiraan   1,510,873      7 120          74    58 883
16 Konfur-Afrika   1,490,063      2 382        151    47 821
17 Ukriane   1,268,049      5 182        111    24 285
18 Peru   1,227,205      6 457        236    43 491
19 Indonesia   1,210,703      8 844        280    32 936
20 Czechia   1,082,891      8 810        109    18 096
21 Netherlands   1,025,837      4 194          66    14 793

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS