Xaaladda guud ee Korona iyo Finland oo kooban

706 qof oo feyruska korona qaba iyo 3 dhimasho cusub ah(Warkaan waxaa la cusboonaysiiyay Arbaca 17.03, saacadda 13.50)

Tirada dadka laga qaaday saamiga baarista korona 3 684 400 (+ 45 000)
Tirada laga helay feyruska 68 693 (+ 842)

 

Tirada daryeelka isbitaalllada jaamacadda     143 (+0)
Tirada daryeelka isbitaalllada xarumaha caafimaadka      79 (-12)
Qaybta gargaarka degdegga ah    56 (+7)
Tirada dhimashada     804 (+3)
Feyruska nooca cusub 1 736 feyruska cusub ah, nooca ingiriiska oo 1 633 xaaladood ah, iyo 102 ah nooca laga helayK/afrika, iyo hal nooc oo kan Baraaziil ah 12.03
Tirada dadka la tallaalay Qiyaastii 636 300 oo qof (18.03)

 

Sida laga dareemaayo tirada faafista feyruska ee maalinlaha ah ee dalkaan Finland, waxaa toddobaadkaan ay noqon doontaa mid aad uga badan tiradii toddobaadkii hore. Waxaa sidaas saadaaliyay dhakhtarka sare ee ka tirsan isbitaalka jaamacadda Helsinki Markku Mäkijärvi oo u warramayay xafiiska wararka STT ee dalkaan Finland. Toddobaadkii la soo dhaafay sida uu dhakhtarku sheegay waxaa caasimadda iyo hareeraheeda laga helay tiradii ugu badnayd ee feyruska, tan iyo intii uu xanuunka safmarka ah ka biloway Finland.

Waxaa dhkahtarku uu sheegay in awoodda waxqabad ee waaxaha daryeelka caafimaadku ay ku dhowdahay in ay istaagto. Waxaana dhici karta in haddii cudurka safmarka ah uu sidaan xawliga ah ku sii socdo, in dhammaan howlaha daryeelka ee aan degdegga ahayn la baajiyo, si arrinkaan cudurka safmarka ah wax looga qabto.

Xigasho: THL, YLE, HS