Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 215 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Arbaco 28.10.2020 laga helay feyruska korona 215 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 15 378 qof.

Meelaha ugu badan ee Arbacada iyo Talaadada laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (99 qof), Espoo (42 Qof), Vantaa (29 qof), Tampeera (26 qof), Turku (26 qof) iyo Jyväskylä (25 qof).

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 64 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 10 kamid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.  Dhimashaduna waxaa ay maraysaa 354 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

17 865 589 44 011 085
 

 

Tirada u dhimatay feyruska

488 217 1 167 817
 

Tirada ka bogsatay

7 248 351 29 2825 804

 

 Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan

Dalka Tirada guud ee feyruska Tirada guud ee dhimashada Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada
Maraykanka 9 milyan 232 084 75 072 1 039
Hindiya 7,9milyan 120 054 42 965    519
Baraaziil 5,4 milyan 157 981 29 353       530
Ruushka 1,5 milyan               26 589 16 550    320
Faransiiska 1,198 milyan    35 541 33 417    523
Spain 1,174 milyan    35 298 18 418    267
Argantiin 1,116 milyan    29 730  14308    429
Kolombiya 1,007 milyan    30 1565    8 166    217

Xigasho: YLE, Worldometers.info