Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 269 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Sabti 10.10.2020 laga helay feyruska korona 269 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 11 849 qof.

Meelaha ugu badan ee faafista feyruska laga helay waa waa magaalooyinka Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo laga helay 123 qof oo cusub oo hor leh (Helsinki 74, Espoo 16 iyo Vantaa 17) iyo Vaasa oo laga helay 83 qof oo cusub.

Jyväskylä oo ay mar kale tobannaan dad ah u nuglaadeen feyrsuka korona

Maamulka magaalada Jyväskylä ayaa sheegay in Magaalada Jyväskylä intii u dhexeysay galabnimadii Jimcaha iyo subaxnimada sabtida, in dad tiradoodu kor u dhaafeyso 30 qof laga helay feyruska korona.

Sida maamulku ay warbixintooda ku sheegeen, waxaa arrinkaasi sababay xafald ruuxi ah oo dad ay si gaar u dhigteen. Labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa magaalada Jyväskylä ka jirey xaflado noocaas oo kale ah oo dad badan ay ka qaadeen feyruska korona.

Tirada dadka uu feyrusku ku dhacay ayaa suurtaggal ah in ay sii kordho, waayo dhammaanba dadkii u nuglaaday feyruska lama helin.

Madaxa Isbitaalka jaamacadda HUS oo sheegay in loo baahan yahay in la soo saaro amarro cusub oo lagu xadidaayo tirada isuimaatinka dadka

Madaxa waaxda caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa Markku Mäkijärvi ayaa sheegay in kooxda qaabilsan ka hortagga arrimaha la xiriira Korona ay haatan ku howlan yihiin sidii ay u soo saari lahaayeen amarro cusub oo looga hortagaayo faafista feyruska. Märkijärvi wuxuu sheegay in arrimaha laga baaraandegaayo ay ka mid yihiin, in la soo saaro go’aan ku saabsan in aan kulamada iyo munaasaabadaha la qabanaayo la isugu imaan karin wixii ka badan 50 qof.

Waxaana uu sheegay Mäkijärvi in arrinku uusan noqon doonin talosoojeedin ee uu ahaan doono amarro dusha laga ilaalin doono. Waxaana mas’uuliyadda u hogaansanka amarradaas ilaalin doona hawlwadeennada magaalooyinka iyo waaxda maamul goboleedka.

Dhinaca kalena waxaa wararka soo baxayaa ay sheegayaan, in dowladdu ay toddobaadka soo socda soo saari doonto go’aano la xiriira dhanka safarrada iyo ammaanka caafimaad ee bulshada.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

Tirakoobyadii ugu dambeeyay waxaa ay shegayaan in tirada guud ee caalamka ee uu ku dhacay feyrusku ay gaareyso 36 milyan 838 kun oo qof, dhimashaduna waxaa ay mareysaa Hal milyan 68 kun iyo 198 qof.

Toddobadii maalmood ee ugu dambeysay ayuu feyrusku si aad ah ugu faafay caalamka, iyadoo maalin walba tiro qiyaastii le’eg 315 kun oo qof laga helaayay feyruska.

Dowladda Maraykanka ayaa kaalinta koowaad kaga jirta caalamka oo dhan, waxaana illaa iyo haatan laga helay dalkaas 7.8 milyan oo qof oo uu ku dhacay feyruska korona, waxaana u dhintay 213 kun oo qof.

Dhanka Laatiiin Ameerika iyo kareebiyaanka tirada uu feyrusku ku dhacay waxaa ay kor u dhaaftay 10 milyan oo qof, iyadoo tirada dhimashaduna ay gaareyso 366 kun iyo 637 qof.

Dalka Baraaziil oo keliya tirada feyruska korona uu ku dhacay waxaa ay gaartay in ka badan 5 milyan oo qof, waxaana u dhintay 150 000 oo qof.

Qaaradda yurub oo khatarkii Feyruska Korona dib ugu so laabatay

Qaaradda Yurub ayaa mar kale khatartii feyruska korona dib ugu soo laabatay, waxaana illaa iyo haatan qaarad ahaan uu feyrusku ku dhacay tiro kor u dhaafeysa 6.2 milyan, iyadoo ay u dhimatay qiyaastii 240 000 oo qof.

Dalka Jarmalka waxaa maalin walba laga diiwaangeliyaa in ka badan 4000 oo xaaladood oo cusub oo feyruska korona ah. Waxaana hogaamiyaha dalkaas Angela Marcel ay ka digtay in haddii xaaladda feyruska korona ee dalka Jarmalka ay ka soo reyn weydo, in maalmaha soo socda la soo rogi doono xayiraado cusub oo looga hortagayo faafista feyruska.

Waxaana xaaladdan faafista feyruska ee sii kordheysa awgeed ay maagaalooyin badan oo Jarmalka ah, gaar ahaan Baarliin iyo Frankfort ay dadka ku soo rogeen bandow ku wajahan baararka, maqaaxiyaha iyo kulamada dadweynaha.

Dalka Poland ee deriska la ah Jarmalka ayaa khasab ka dhigay qaadashada afshareerka laga bilaabo maanta, gaar ahaan marka qofku uu joogo goobaha guud ee dadku isugu yimaado.

Tan iyo Khamsiitii la soo dhaafay waxaa dalka Poland laga diiwaangeliyay 4280 qof oo hor leh oo qaba feyruska, waxaana u dhintay 76 qof. Taasoo tirada guud ee dadka uu dhacay Poland ka dhigeysa 111 599 qof, iyadoo tirada guud ee dhimashaduna ay gaareyso 2876 qof.

Dalka Hungary waxaa maalin walba laga helaa qiyaastii 5800 oo qof. Khamiistii la soo dhaafay ayaa sidoo kale waxaa laga helay tiro gaareysa 5400 oo qof oo cusub.  Tirada guud ee laga helay feyruska waxaa ay gareysaa 250 000 oo qof, waxaana u dhintay feyruska 4800 o qof. Waxaana dowladda dalkaas Hungary ay kordhisay xadeyntii la xiriirtay feyruska korona illaa iyo dhammaadka bisha Oktoobar.

Dalka Ingiriiska ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda ay sooraan xayiraaado cusub oo looga hortagaayo feyruska. Raiisulwasaaraha dalkaa Boris Johnson ayaa Isniinta xubnaha baarlamaanka hordhigi doona istaartiijiyadda cusub ee arrinkaas la xiriirta.

Dalka Faransiiska ayaa xaaladda feyruska korona ay ka sii dareysaa, kaddib markii afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga diiwaangeliyay wax ka badan 20 kun 339 qof oo cusub oo uu ku dhacay feyrusku.

Golaha cilimga ee ka tirsan xukuumadda faransiiska ayaa sheegay in ay suurtaggal tahay in haddii loo arko lagammamaarmaan la go’doomin doono dhammaanba meelaha khatarta aadka ah ay ka jirto.

Maanta oo Sabti ah magaalooyinka qaarkood sida Lyon, SenEiten, Liil iyo kuwo kale waxaa la geliyay xaalad feejignaan aad u culus, taasoo loola jeedo in lagu soo rogi doono xayiraado cusub oo la mid ah kuwii lagu soo rogay kal hore magaalooyinka Paris iyo Marsiiliya.

Dalka Isbeyn ayaa xukuumaddu waxaa ay magaalada caasimadda ah ka bixisay ogeysiiska ah, in xaalad degdeg ah ay ka jirto magaalada, kaddib markii uu arrinka feyrusku noqday in maalin walba laga helo feyruska tiro kor u dhaafeysa 10.000 oo qof.

Dalka Ruushkana Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegtay in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska tiro gaareysa 12 126 qof oo hor leh. Laakiin dowladdu waxaa ay sheegtay in xilligan haatan ah aanay damacasnayn in ay xayiraado kale ku soo rogto dalka.

Tirada guud ee dadka uu ku dhacay feyruska korona ee dalka Ruushka ayaa gaareysa 1.3 milyan. Xarunta maareynta dhibaatooyinka korona ee dalka Ruushka ayaa sheegtay in tirada dhiamshada ee dalka Ruushka ay gaareyso 24 425, iyadoo afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeeyay ay u dhinteen 197 qof.

Dalka Hindiya ayaa tirada dadka uu ku dhacay feyruska korona waxaa ay kor u dhaafayaan 7 milyan oo qof, iyadoo tirada dhimshaduna ay kor u dhaafeyso 107 kun oo qof.

Indooniisiya ayaa maanta waxaa feyruska laga helay 4294 qof oo hor leh, waxaana tirada guud ay ka dhigeysaa 329 000 oo qof.

Waxaana dowlada dalka Indoniisiya ay sheegtay in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ay feyruska u dhinteen 88 qof, waana tiradii ugu yareyd ee maalin kaliya u dhimata feyruska muddo hal toodobaad ah. Waxaan tirada guud ee feyruska u dhintay ee dalka Indooniisiya ay gaareysaa 11 765 qof.

Xigasho:YLE, HS, ALJAZEERA