Finland waxaa laga helay maanta 147 xaaladood oo feyruska korona iyo 4 dhimasho ah

Isniin 04.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 147 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 36 919 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 38 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 73 qof, gobolka Varsinais-Suomioo 24 qof ah, iyo Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 11 qof ah.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 53 qof, Turku: 18 qof, Oulu: 9 qof, Vantaa: 7 qof, , Espoo: 5 qof, Lahti: 4 qof, Jyväskylä: 4 qof, Tuusula: 4 qof, Tampere: 3 qof, Rovaniemi: 3 qof, Mynämäki: 3 qof, Hamina, Imatra, Vaasa, Kerava, Kotka oo magaaladiiba 2 qof laga helay, iyo inta kale oo soo hadhay oo min hal qof laga helay.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 210 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 31 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 565 qof, kaddib markii ay maanta hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ay sheegtay dhimashada 4 qof oo hor leh.

 

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.

Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.

Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

27 128 145    85 577 532
      583 331      1 852 346

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 22,1 milyan 1 94 337   1 387 360 078
2 Hindiya 10,4 milyan    16 660      215 149 686
3 Baraaziil 7,73 milyan    17 341      276 196 018
4 Ruushka 3,23 milyan    24 150      504   58 506
5 Faransiiska 2,65 milyan    12 489      116   65 037
6 Ingiriiska 2,65 milyan    54 990      454   75 024
7 Turkiga 2,24 milyan      9 877      193   21 488
8 Talyaaniga 2,15 milyan    14 245      347   75 332
9 Isbeyn 1,94 milyan   50 837
10 Jarmalka 1,78 milyan    10 356      246   35 105
11 Kolombiya 1,67 milyan      9 412      200    43 965
12 Arjantiin 1,64 milyan      5 884      107    43 482
13 Meksiko 1,44 milyan      6 359      344  126 851
14 Poland 1,32 milyan      5 692        61     29 119
15 Iiraan 1,24 milyan      5 960      102     55 540
16 K/Afrika 1,10 milyan     11 859      402     29 577
17 Ukriane 1,07 milyan        4 576      123     18 854
18 Peru 1,02 milyan        1 376        57     37 830

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS