Wararka Caalamka ee Feyruska korona iyo maanta

Finland waxaa laga helay 36 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Axad 6.9.2020 laga helay feyruska korona 36 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8327 qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in hal qof uu u dhintay maanta feyruska korona. Waxaana arrinkaan uu tirada guud ee dhimashada illaa haatan ka dhigayaa 336 qof.

Daryeelka isbitaalka waxaa feyruska awgiis ugu jira 16 qof, iyadoo hal qof oo ka mid ahna uu ku jiro qaybta xaaladda degdegga ah.

Bariga Savo oo maanta laga helay dad badan oo u nuglaaday feyruska korona

 Qof ka mid ah dadka uu ku dhacay feyruska ayaa wuxuu ku faafiyay dugsiga sare ee Mikkeli. Waxaana dugsiga sare ee Mikkeli karantiil la gelinayaa in ka badan 30 qof.

Sida uu sheegay madaxa adeegga caafimaadka Essotto Santeri Seppälä, waxaa suurtaggal ah in dadka u nuglaaday feyruska ay intaa ka badnaadaan, waayo waxaa wali socota hawshii ka baraandegsita iyo dabaggalka dadka u nuglaaday feyruska.

Rugta caafimaadka ee Kurika oo gebi ahaanba la xiray u nuglaanta feyruska awgiis

 Runta caafimaadka ee Kurika ayaa albaababada loo laabay muddo laba toddobaad ah, kaddib markii qof ka mid ah shaqaalaha uu qaaday feyruska korona, qaar kalena ay u nuglaadeen feyruska.

Arrinkaan wuxuu sababay in la baajiyo ballamo badan oo dhanka daryeelka caafimaadka ah.

Qofka shaqaalaha ah ee qabay feyruska korona waxaa uu sababay in in kabadan 40 hawlwadennada rugta caafimaadka ah ay u nuglaadaan feyruska. Sidoo kale waxaa feyruska u nuglaaday 10 ka mid ah dadkii bukaanka ahaa ee rugta caafimaadka joogay. U nuglaanta feyruskuna waxaa ay dhacday intii u dhexeysay 2-3 dii bisha september.

 Isbeyn

 Dalka Isbeyn tirda dadka uu ku dhacay feyruska korona waxaa ay kor u dhaaftay nus milyan qof, sida ay sheegeen hawlwadeennada wasaaradda caafimaadka.

Tirada dadka uu ku dhacay feyruska ayaa maalmahaanba kor u sii kacaysay, waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay maalin walba laga helaayay feyruska dad tiradoodu u dhexeyso 7 000- 8 000 oo qof.  Waxaana dalka Isbeyn u dhintay feyruska korona tiro gaaraysa 29 500 oo qof.

Faransiiska

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waa 4 203 qof, waxaana dhintay 25 qof.

Tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka waa 328 980 oo qof. Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 30 701 qof.

Norwey oo urur diiimeed xaflad sameeyay laga gudbiyay wargelinta dambiga ee booliska

 Maamulka magaalada Sarpsborg ee dalka Norwey ayaa ka sameeyay wargelinta dembiga urur islaami ah oo xaflad diimeed uu dhigay la tuhunsan yahay, in ay sabab u noqotay in dad ka badan 200 oo qof uu ku dhaco feyruska korona. Sida uu sheegay Raadiyaha dawladda Norwey, dad ka badan 2500 oo qof ayaa la geliyay karantiil.

Wargelinta dambiga ee laga gudbiyay ururka islaamiga ah, waxaa lagu eedeeyay in ay jebiyeen sharcigii xadidaada feyruska korona, iyagoo qabanqaabiyay xafaladda Cashuuraa oo soconaysay dhowr maalmood.

Xafladdaas waxaa ay la dhigayay, iyadoo xilligaas ay ahayd markii ay dawladdu joojisay isuimaatinka kooxaha ee joogtada ah. Waliba waxaa ay doonayeen in ay xafladdaas sii wadaan saddex maalmood oo kale. Goobta xafladda lagu dhigaayayna waxaa ay dhiseen iyadoo aanay wax fasax ama oggolaansho ah u heysan arrinkaas.

Sarpsborg waxaa ay dhacdaa koonfur bari dalka Norwey.