Finland waxaa laga helay maanta 444 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 3 xaaladood oo dhimasho ah

Khamiis 04.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 444 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 46 493 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 80 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 265 qof, gobolka Keski-Suomi oo laga helay 81 qof, iyo gobolka  Varsinais-Suomi oo laga helay 52 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 115 qof, Jyväskylä: 81 qof Vantaa: 69 qof , Espoo: 45 qof, Tampere: 40 qof,Turku: 26 qof, Kerava: 8 qof, Savonlina: 8 qof, Oulu: 7 qof, Paimio: 7 qof, Järvenpää: 5 qof. Lohja: 4 qof, Kalajoki: 4 qof, Pyhtää: 4 qof, Vaasa: 4 qof, Kuopio: 3 qof, Tuusula: 3 qof, Sipoo: 3 qof, Karkkila: 3 qof, Kaarina: 3 qof, Lieto: 3 qof, Pöytyä: 3 qof, Uusikaarlepyy: 3 qof, Lahti: 3 qof, Hämeenlinna: 3 qof, Nurmijärvi: 2 qof, Raasepori: 2 qof, Masku: 2 qof, Pyhäranta: 2 qof, Jämsä: 2 qof, Hämeenkyrö: 2 qof, Närpiö: 2 qof, Kotka: 2 qof, Vieremä: 2 qof, Pori: 2 qof, Rauma: 2 qof, Tornio: 2 qof, Rovaniemi: 2 qof,

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 128 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 23 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 688 qof, kaddib markii maanta 3 qof oo hor leh ay u dhinteen xanuunka feyruska korona awgiis, sida ay sheegtay hay’adda THL.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 145 770 qof (2.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     33 954 608    104 994 481
           756 511       2 280 664

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 27,150 457  113 459   3 999  461 930
2 Hindiya 10,791,123    12 917      107  154 742
3 Baraaziil 9, 339,921    53 665   1 209  227 592
4 Ruushka 3,901,204    16 474      526   74 684
5 Ingiriiska 3,871,825    19 202   1 322  109 335
6 Faransiiska 3,251,160    26 362      357    77 595
7 Isbeyn 2,913,389    31 596      565    60 370
8 Talyaaniga 2,583,790    13 189      476    89 820
9 Turkey 2,501,079      8 102      117    26 354
10 Jarmalka 2,252,489    12 521      826    60 212
11 Kolombiya 2,125,622    11 025      301    54 877
12 Arjantiin 1,952,744      9 196      113    48 539
13 Meksiko 1,874,092      4 384      433  159 533
14 Poland 1,527,015      6 801      424    37 900
15 K/afrika 1,463,016      4 058      398    45 344
16 Iiraan 1,438,286      6 870        79    58 189
17 Ukriane 1,227,164      3 285      165    23 089
18 Peru 1,158,671       8 573      184    41 538
19 Indonesia 1,111,671     11 984      189    30 770
20 Czechia 1,003,785       9 133      120    16 758

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS