Reer Helsinki oo aad isaga baaraya Koronaha- tiradii ugu badnayd oo todobaadi hore fayruska laga baaray

Helsinki 10.7.2020 War ka soo baxay magaalada Helsinki ayaa lagu sheegay in dadka magaalada deggan ay si weyn u tagaan baaritaanka Korona.

Todobaadkii la soo dhaafay oo kaliya ayaa waxaa Helsinki lagu baaray 2843 qofood waxaana fayruska laga helay 17 qofood. Todobaadkan hadda dhammaadka ahna waxaa la sheegayaa in dad aad u fara badan ay baaritaanka Koronaha mareen.

Isuggeyn dadka reer Helsinki ee illaa iyo hadda baaritaanka Koronaha maray waa ku dhowaad 40,000 oo qofood.

Inkastoo ay guud ahaan xaaladda Korona ee Finland aad u deggantahay ayaa waxaa dhanka kale arrin wanaagsan lagu tilmaamay dadaalka badan ee ay dadku gelinayaan aadista baaritaanka fayruska Koronaha.

Iltalehti:

Sawirka: iltalehti