Finland waxaa laga helay maanta 420 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah iyo 4 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Talaada.30.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 422 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 76 845 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 8 994 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 61 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 262 qof, gobolkaPirkanmaa oo laga helay 42 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 37 qof .

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 138 Vesilahti 3
Vantaa 45 Lohja 3
Espoo 35 Vaasa 3
Tampere 31 Siilinjärvi 3
Turku 20 Juva 2
Kerava 11 Lappeenranta 2
Lahti 11 Kuopio 2
Hamina 8 Savonlinna 2
Nurmijärvi 7 Laukaa 2
Salo 7 Järvenpää 2
Hyvinkää 6 Lieto 2
Tuusula 6 Orimattila 1
Ylöjärvi 6 Imatra 1
Kouvola 5 Kirkkonummi 1
Mikkeli 5 Mäntsälä 1
Hämeenlinna 4 Parainen 1
Raisio 4 Sotkamo 1
Jyväskylä 4 Iitti 1
Kotka 4 Rauma 1
Hollola 4 Joensuu 1
Porvoo 4 Rovaniemi 1
Oulu 3 Ilmajoki 1
Koski Tl 3 Pirkkala 1
Vihti 3 Varkaus 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 304 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  50 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 826 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in 4 qof oo hor leh ay maanta u dhinteen feyruska korona. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 22 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 584 qof, kuwaasoo 2 403 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 180-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 962 639 oo qof (30.03)

 Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 

43 132 076

 

128 555 591

 

 

Tirada u dhimatay feyruska

 

 

947 814

 

 

2 809 218

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS