Magaalada Turku oo ku talisay in Af-Shareer ay xirtaan dadweynaha ka hor talooyinka Qaran ee dowladdu soo saari doonto

Magaalada dhacda koonfur galbeed ee dalka Finland ayaa soo rogtay isticmaalka Af-shareerka gudaha baabuurta dadweynaha dhexdooda, Iyadoo caruurtu ay ku noqonayaan iskuulada toddobaadka soo socda, xilli xaalad adag ee cudurka Korona Feyrus keenay lagu jiro, kana dhigeysa magaaladii ugu horeysay ee dalka Finland ee soo rogta isticmaalka af-shareerka.

Magaaladu waxa ay soo jeedisay in dadweynaha raacaya gaadiidka dadweynaha isticmaalaan af-shareerka, maadaama aysan suurtogal ahayn in la helo fogaan ku filan dadweynaha.

“Waxaan ku talineynaa in dadku isticmaalaan af-shareerka si loo xakameeyo faafidda cudurkaan. Sida muuqata kiisas cusub ayaa ku dhacaya magaalada Turku, xaaladduna si deg deg ah ayay isku bedeli kartaa” Sidaa waxaa sheegtay Mayor-ka magaalada Turku Minna Arve.

Magaaladu waxay kaloo kula tahay dadweynaha inaanay isticmaalin gaadiidka dadweynaha xilliyada mashquulka jiro ee subaxdii iyo galbihii. Talooyinkan waa kuwo mutadawacnimo, dadweynaha isticmaalaha gaadiidka dadweynaha waxa ay u baahnaanayaan inay isticmaalaan af-shareerkooda.

U hogaansamid mutadawacnimo

Talooyinku waa soo jeedin ee ma ahan shuruud. wayna fiican tahay in dadka la xusuusiyo inay masuuliyad naga wada saaran tahay in xaaladda aan wada xakameyno. Sidaa darteedna isticmaala af-shareerku uu yahay mid dadaal yar ku baxayo” ayay ku dartay.

Waxaa la aaminsanaa in talooyinka nuucan oo kale ah la filayay in loogaga dhawaaqo shir jaraa’id oo ay Wasaaradda Arrimaha Bulshada uyo Caafimaadka iyo Machadka THL wada qaban lahaayeen maalinta Khamiista ee soo socota, waxaana la filayaa in dowladdu si heer qaran ah ugu taliso isticmaalka af-shareerka goobaha la isugu yimaado todobaadka soo socda.

Isha Warka: Yle News
Xuquuqda Sawirka: Yle News