MP Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ee dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo Hargeysa kula kulmay Madaxda iyo Mucaaradka Somaliland

Xildhibaan Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika u qaabilsan dowladda Finland oo safar shaqo haatan ku jooga magaalada Hargeysa, Somaliland ayaa kulan xog-iyo-xaalad wareysi ah la yeeshay Hoggaamiyayaasha Mucaaradka Somaliland.

Musharraxa Madaxweyne ee Somaliland ee Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo kulan la qaatay Ergayga dowladda Finland ee arrimaha nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika Mudane MP Suldaan Said Ahmed ayaa ergayga uga warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan Arrimaha doorashada.

MP Suldaan Said Ahmed ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xildhibaan Maxamed Wali oo ka tirsan Guurtada Somaliland lagana soo doorto Gobolka Sool.

Ergayga iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo xildhibaanka ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa ka sokow arrimaha doorashada Somaliland ka wadahadlay xaaladda amni ee Gobolka Sool.

Waxaa kale oo uu Hargeysa kula kulmay MP Suldaan Said Ahmed Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif iyo MP Suldaan Said ayaa ka wadahadlay xaaladda magaalada Laascaanood oo ay dhowaan ka dhacday shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay.

Taliyaha Guud ee ciidanka Booliska Somaliland Gen. Maxamed Aadan Saqadhi ayaa ka mid ah dadka uu MP Suldaan Said Ahmed la kulmay. Taliyaha iyo Ergayga ayaa ka wadahadlay xaaladda booliska Somaliland iyo guud ahaan ammaanka Somaliland.

MP Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadaynta iyo dhexdhexaadinta ee Geeska Afrika u qaabilsan dowladda Finland ayaa sidoo kale la kulmay Safiirrada Ingiriiska iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya. Safiirrada iyo Ergayga ayaa ka wadahadlay xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee gobolka.

Qaar kamid ah Madaxda dhaqanka ee Salaadiinta Somaliland ayaa dhanka kale la kulmay Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadaynta iyo dhexdhexaadinta ee Geeska Afrika u qaabilsan dowladda Finland. Salaadiinta iyo MP Suldaan ayaa ka wadahadalay doorka lama-illaawaanka ah ee ay Salaadiinta Somaliland ka qaateen welina ka qaataan dhaqan ahaan isku-haynta bulshada Somaliland.

Wararka ka soo kordha kulamada MP Suldaan ee kala socda Somaliland halkan ka soco IA.

SSMV