Finland waxaa laga helay maanta 126 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 5 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 09.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 126 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 93 394 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 68 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 44 qof,  gobolka Päijät-Häme oo laga helay 28 qof iyo gobolka Keski-Suomi oo laga helay 18 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Lahti 22
Espoo 15
Askola 13
Jyväskylä 13
Turku 9
Sipoo 5
Lapua 4
Oulu 4
Kerava 4
Vantaa 4
Forssa 3
Vaasa 3
Kotka 3
Laukkaa 3
Tornio 3
Orimattila 3
Kirkkonummi 2
Joensuu 2
Akaa 2
Hämeenlinna 2
Mustasaari 2
Lappeenranta 2
Tuusula 2
Pori 2
Kangasala 2
Salo 2
Rauma 2
Kouvola 2
Hanko 2
Lapinjärvi 2
Tammela 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 58 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  7 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 964 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta dhimashada 5 qof oo hor leh..

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 8 393 oo qof, kuwaasoo 6 883 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 367 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 141 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 09.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 690 000 oo qof (09.06).

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 174 809 337 53,2
Tirada u dhimatay feyruska 3 764 313 1,1

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 991 358 52 758 035
Tirada u dhimatay feyruska  133 382 718 199

 

  Qaaradda W/Amerika Qaaradda K/Amerika
Tirada feyruska laga helay 40 028 497 29 917 973
Tirada u dhimatay feyruska      903 645 924 623

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 29,088,176     91 227   2 213  353 557
Baraaziil 17,038,260     52 448   2 693  477 307
Arjantiin 4,008,771     31 137      721    82 667
Kolombiya 3,661,602     18 586      427    92 923

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,081,898    1 175     2  14 525
63 Denmark 287,325    377           2 520
88 Norwey 127,254    188           784
159 Iceland  6 612                 30
42 Saudi-Arabia  459,968    1 261     17     7 488
133 Soomaaliya  14 776    8             773

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS