Xarun caafimaad oo ay joogaan dhakhaatiir Soomaali ah oo laga furay xaafadda Malmi ee Helsinki

Xarun caafimaad oo ay joogaan dhakhaatiir Soomaali ah oo laga furay xaafadda Malmi ee Helsinki. Xuquuqda Sawirka: Medipulssi Oy

Isniin 09.11.2020. Waxaa maalintii shalay ahayd laga furay xaafadda Malmi ee magaalada Helsinki xarun caafimaad cusub oo ay joogan dhakhaatiir soomaaliyeed.

xarun caafimaad oo ay joogaan dhakhaatiir Soomaali ah oo laga furay xaafadda Malmi ee Helsinki. Sawirka: Medipulssi Oy

Xaruntaan oo loogu magac daray Medipulssi, waxaa ay ku taalla xaafadda Malmi, cinwaankeeduna waa: Pekanraitti 15, waxaadna ka heli kartaa dhakhaatiir khibrad leh oo luqddaada hooyo si wanaagsan kuugu adeegaaya, kuwaasoo kuu qaban doona adeegyada caafimaadka ee dhammaan qaybha kala duwan ee xannuunada dadka ku dhaca.

Xarun caafimaad oo ay joogaan dhakhaatiir Soomaali ah oo laga furay xaafadda Malmi ee Helsinki. Medipulssi Oy

Waxaad ballanka dhakhtarka aad u baahan tahay ku qabsan kartaa dhanka telefoonka ama adigoo si toos ah u tagaaya xarunta.

Xilliyada ballanka la qabsan karo waa Isniinta-Jimcaha 8-16 iyo Sabtida-Axadda 10-16

Qaabilaadda bukaanka waxaa ay soco doontaa:

Isniin-Jimce 8-20 iyo Sabti-Axad 10-20.

Medipulssi Oy
Pekanraitti 15
07000 Helsinki

050 323 3300
ajanvaraus@medipulssi.fi
info@medipulssi.fi

www.medipulssi.fi

Waxaa haatan dalkaan Finland ku soo badanaaya xarumaha gaarka ah ee caafimaadka ee ay joogaan dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee dalkaan ku dhashay ama iyagoo aad u yar qaxooti ahaanta ku yimid, kuwaasoo sannad walba ka soo qalinjabiya jaamacadaha caafimaadka ee dalalka ay ka midka yihiin Roomaaniya iyo Ukrain, islamarkaana ka howlgala isbitaallada waaweyn ee dalkaan Finland. Arrinkaasna waa guul u soo hoyatay bulshada Soomaaliyeed ee dalkaan Finland ku dhaqan.

Sannadkaan kaliya waxaa hal mar soo qalanjabiyay dhakhaatiir dhalinyaro ah oo tiradoodu gaarayso illaa iyo 18 dhakhtar oo badankoodu ah jiilka labaad ee dalkaan Finland ku dhashay.