Mudane Suldaan Said Ahmed oo ah khabiir ka tirsan xarunta nabadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland oo Muqdisho wadahadal kula yeeshay madaxda dowladda Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah

Mudane Suldaan Said Ahmed oo horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland iyo ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland, haatanna ah Khabiir ka tirsan xarunta nabadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland oo booqasho rasmi ah ku tegay Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Soomaaliya, hoggaamiyayaasha bulshada Rayidka ah iyo beesha caalamka ee Soomaaliya ku sugan.

Khabiir Suldaan iyo Ra’iisal wasaare Xamse

Intii uu Suldaan Said Ahmed ku jiray socdaalka uu Soomaaliya ku tegay ayuu la kulmay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre wuxuuna kala hadlay hawlaha ay dowladda Finland ka gacan-siin karto Soomaaliya siyaasad iyo horumar ahaanba. Waxaa kale oo ay mas’uuliyiintu ka wadahadleen arrinta Laascaanood iyo sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan ee loo xallin karo mashaqada halkaas ka taagan.

Mudane Suldaan said Ahmed oo dhanka kale xooggasaaraya dhammaynta colaadda Laascanood ayaa soo dhoweeeyay kuna ammaanay doorka ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya qaadanayso dhammaynta colaaddaas wuxuuna sidoo kale dowladda Soomaaliya kala hadlay imaanshaha Garaadada Laascaanood kayimid ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho kulamanna la qaadanaya madaxda Soomaaliya oo uu madaxweyne Xassan Sheekh ugu horreeyo.

Khabiir Suldaan iyo Ra’iisal wasaare ku xigeen Salaax

Suldaan Said Ahmed oo weli ku gudajira kulamadiisa ayaa kulan la qaatay ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed isagoona kala hadlay xoojinta wadashaqaynta Soomaaliya iyo Finland, gaar ahaan dhinaca nabadaynta iyo arrimaha bani’aadminnimada.

Suldaan iyo Guled

Waxaa kale oo Suldaan Said Ahmed kulan la qaatay ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Guled, kulankaas oo daarnaa doorka ay dowladda Finland ka qaadan karto arrimaha turxaanbixinta u baahan ee ku xeeran ka mira-dhalinta wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Labada Mas’uul ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in dowladda Finland ay garab ka siiso aqoonta wahadallada iyo dhexdhexaadinta ee ay Finland caanka ku tahay Mudane Suldaan Saidna uu sida gaarka ah uga shaqeeyo.

Suldaan iyo wasiirka dhallinyarada

Mudane Suldaan Said Ahmed oo si gaar ah u daneeya dhallinyarada iyo nabadda ayaa Muqdisho kula kulmay wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Barre Maxamuud. Kulanka wasiirka iyo khabiir srae Suldaan Said ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa doorka ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku leeyihiin nabadda, xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya oo ay dadkiisu u badan yihiin dhallinyaro.

Bulshada rayadka ah oo door muuqda ku leh nabadda dalka iyo horumarinta bulshada ayuu sidoo kale la kulmay mudane Suldaan Said Ahmed. Goobaha iyo xarumaha lagu taageero bulshada ee uu Suldaan booqday ayaa waxaa kamid ah xarunta nabadda ee Elman oo ah  xarun loogu magacdaray nabad-jirihii weynaa ee Soomaaliyeed, Allaha u naxariistee Elman Ali Axmed. Xarunta ayuu Suldaan Said kula kulmay ka faa’iidaystayaasha adeegyada xarunta, aasaasayaasha xarunta iyo qaar ka tirsan hawlwadeennada xarunta.

Ka sokow kulamadan uu Suldaan Said la qaatay madaxda dalka iyo qaybaha bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya, wuxuu sidoo ka qaybgalay Shirweynaha qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay.

Shirweynaha ayuu Suldaan ka jeediyay hadal taariikhi ah oo ku qaadaa-dhigay marxaladaha ay dhallinyarada Soomaaliyeed soo mareen, doorka dhallinyarada qurbajoogta ah ee uu isagu ka midka yahay ay ku leeyihiin horumarinta iyo nabadda Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay in xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ay dhallinyarada siiso fursado ay si xor iyo ammaan ah uga qaybqaataan dib u dhisidda kaabayaasha uu dalku u baahanyahay.

SSMV