Finland waxaa laga helay maanta 368 xaaladood oo feyruska korona ah

Sabti 06.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 368 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 47 262 qof. Labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada guud ee laga helay feyruska korona ayaa ahayd 4 928, taasoo tiro gaaraysa 986 qof ka badan tii labadii toddobaad ee ka sii horraysay.

Iskudarka guud illaa iyo 74 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 228 qof, gobolka Vaasa oo laga helay 20 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi  oo laga helay 18 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 133 qof, Vantaa: 34 qof , Espoo: 20 qof, Turku: 13 qof, Jyväskylä: 13 qof, Vaasa: 9 qof, Järvenpää: 8 qof, Tampere,Karkkila iyo Lahti: oo min 6 qof ah, Tornio iyo Tuusula: o min 5 qof ah,Ylivieskä, Nurmijärvi iyo Joensuu: oo min 4 qof ah, magaalooyinka kala ah: Rauma, Porvoo, Savonlinna, Hämeenlinna, Siikalatva, Kuopio, Kristiinakaupinki, Vihti iyo Hämeenkyrö oo min 3 qof laga helay, iyo magaalooyinka kala ahKotka, Forssa, Kaarina, Ylöjärvi, Orimattila, Äänekoski, Närpiö, Janakkala, Sipoo, Lohja, Mäntsälä, Vieremä, Lappeenranta, Kerava iyo Uusikaarlepyy oo min 2 qof ah.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 124 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 20 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 692 qof.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 164 501 qof (5.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     34 373 745    105 983 830
           767 677       2 310 784

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 27,407,324  126 125   3 572  470 705
2 Hindiya 10,815,222    11 698       94  154 956
3 Baraaziil 9, 449,008    51 319   1 244  230 127
4 Ruushka 3,934,606    16 688      527    75 732
5 Ingiriiska 3,911,573    19 114   1 014  111 264
6 Faransiiska 3,296,747    22 139      413    78 603
7 Isbeyn 2,971,914    28 565      584    61 386
8 Talyaaniga 2,611,659    14 218      377    90 618
9 Turkey 2,516,889      7 901      110    26 577
10 Jarmalka 2,276,371    10 877      776    61 661
11 Kolombiya 2,142,660      7 248      272    55 403
12 Arjantiin 1,970,009      8 374      285    48 985
13 Meksiko 1,899,820    13 575   1 682  162 922
14 Poland 1,539,565      6 054      367    38 711
15 K/afrika 1,470,516      3 749      297    45 902
16 Iiraan 1,452,380      7 061        80    58 336
17 Ukriane 1,237,169       4 923      158    23 387
18 Peru 1,173,045       7 993      180    41 933
19 Indonesia 1,134,854     11 749      201    31 202
20 Czechia 1,021,553       8 090      119    17 072

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS