Finland waxaa laga helay maanta 457 xaaladood oo feyruska korona ah

 

Axad 21.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 457 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 53 742 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay waxaa tirada faafista cudurka ay noqotay 6 126 qof qof.

Iskudarka guud illaa iyo 76 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 252 qof, waxaa ku xiga gobolka Satakunta oo laga helay 36 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 28 qof laga helay iyo gobolka Vaasa oo laga helay 25 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 150 Sipoo 2
Vantaa 57 Laitila 2
Espoo 25 Tammela 2
Turku 23 Joensuu 2
Pori 21 Laihia 2
Lappeenranta 13 Kangasala 1
Hammarland 12 Vieremä 1
Maarianhamina 11 Suonenjoki 1
Rauma 11 Aura 1
Jyväskylä 9 Korsnäs 1
Vaasa 9 Sastamala 1
Närpiö 8 Pedersörnen K. 1
Mikkeli 7 Liminka 1
Kerava 6 Järvenpää 1
Oulu 6 Raasepori 1
Tampere 5 Pyhtää 1
Lahti 4 Eurajoki 1
Lieto 5 Maalahti 1
Pello 4 Iisalmi 1
Hämeenlinna 3 Lemi 1
Kokkola 3 Eura 1
Rovaniemi 3 Huittinen 1
Tuusula 2 Jokioinen 1
Nurmijärvi 2 Äänekoski 1
Pukkila 2 Imatra 1
Kauniainen 2 Haapavesi 1
Kurikka 2 Kirkkonummi 1
Vihti 2 Mänttä-Vilppula 1
Raisio 2 Valkeakoski 1
Kuopio 2 Jomola 1
Ylöjärvi 1 Vöyri 1
Hyvinkää 1 Hamina 1
Kotka 1 Akaa 1
Tornio 1  

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 141 qof sida ay sheegtay hay’adda THL,  kuwaasoo 24 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah, taasoo macnaheedu yahay in toddobo maalmood gudahood ay ku darsantay 6 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 726 qof, kaddib dhimashada hal qof oo cusub oo ay sheegtay manta hay’adda THL, waxaana toddobo maalmood gudahood ku darsantay tirada dhimashada 16 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 524 qof, kuwaasoo 501 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 22-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 ah nooca cusub ee Baraaziil.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 287 998 qof (21.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       36 380 143     111 743 598
                827 304           2 474 048

Xigasho: YLE,HS,WORLOMETERS