Magac dembiyeed cusub oo sharciga Finland lagu soo daray- diidista baaritaanka Korona oo noqonaysa dembi ay ciqaabi ka dhalanayso

Kuva- SSMV

Sharcigan cusub oo dhaqangelaya laga billaabo 12.7.2021 ayaa shaqaynaya tan iyo inta laga gaarayo 15.10.2021.

Soosaarista iyo go’aaminta sharcigan oo uu baarlamaanka Finland go’aamiyay ayaa ka dhigan in isbeddel ku meelgaar ah lagu sameeyay sharciga dalka ee horay uga degsanaa cudurada faafa ama safmarka ah.

Sharcigan oo si gaar ah ugu wajahan dadka  dibadda ka imaanaya ee Finland soo gelaya ayaa dhigaya, in qofkii ay saraakiishu u qoraan in laga baaro Korona balse baaritaanka diida lagu ridiyo ciqaab ganaax lacageed ah.

Diidista baaritaanka Koronaha ayaa ah sida uu sharcigan qabo dembi waafaqsan sharciga dembiyada Finland, kaas oo la barbardhigi karo  is-hortaagid ama amar ka diidista booliska.

Sharcigan ayaa sidoo kale dhigaya, in ay dhici karto in qofka musaafurka ah ee Finland yimaada lagu rido ganaax lacageed oo boqolaal yuuro ah, haddii uu diido in uu maro baaritaanka fayruska Koronaha ee ay hawlwadeennadu u diraan.

Isga warka: HS