Wakhtiga keydinta calaamadda buugga madow ee la geliyo dadka iyo shirkadaha qaanta lagu yeesho oo la soo gaabinayo

Dowladda Finland oo ku talojirta in ay gaabiso wakhtiga keydinta calaamadda buugga madow ee la geliyo dadka iyo shirkadaha qaanta lagu yeesho.

War ka soo baxay xukuumadda Finland gaar ahaan Wasaaradda Caddaaladda ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay soo jeedisay hindise sharciyeed lagu gaabinayo wakhtiga ay keydka diiwaanka ku qornaanayso calaamadda buugga madow (maksuhäriömerkinta).

Sida ku cad qorshaha ay xukuumaddu u gudbisay baarlamaanka, calaamaddu waxay meesha ka baxaysaa ama ka tirtirmaysaa bil kaddib, marka qolooyinka gacanta ku haya macluumaadka deynta ay helaan xogta ku saabsan in lacagta la bixiyay.

– Soo gaabinta wakhtiga ay diiwaanka ku qornaanayso calaamadda buugga madow ayaa looga gol leeyahay in lagu hagaajiyo xaaladda dadka ay heystaan dhibaatooyinka dhaqaale. Calaamadda buugga madow waxay tusaale ahaan adkaysaa helitaanka guryaha kirada ah, caymisyada iyo mararka qaar helitaanka shaqooyinka. Cusboonaysiintan sharciyeed ee la soo jeediyay waa mid aad muhiim u ah, sababtoo ah waxaa wax looga qaban karaa xaaladaha loo arko in ay xad-dhaafka yihiin ee xittaa haddii deynta la bixiyo ay calaamadaha buugga madow weli sii jirayaan, sidaas waxaa tiri Anna-Maja Henriksson (RKP), Wasiirka caddaaladd.

Sida uu qabo sharciga haatan shaqaynaya ee la xiriira calaamadda buugga madow (maksuhäiriömerkintä), macluumaadka lacag ka qaadista ee ku qoran diiwaanka macluumaadka deynta wuxuu halkaas ku qornaanayaa saddex sannadood, haddii calaamad kale oo cusub lagu qorana waxay sii dheereyn kartaa wakhtiga calaamaddu ay halkaas ku qornaanayso.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay, in qorshuhu yahay in isbeddelka loo dhaqangeliyo sida ugu dhakhsaha badan, dhaqangalka isbeddelka quseeya wakhtiga keydinta calaamadda buugga madowna waxaa la soo jeediyay in uu qaato lix bilood oo kala guurka ah.

Isha warka: VALTIONEUVOSTO

SSMV