Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 412 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Axad 08.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in labadii maalmood ee ugu dambeysay laga helay feyruska korona 412 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 17 797 qof.

Waxaa feyruska laga helay 59 magaalo oo Finland ka tirsan. Tirada dhabta ah ee magaalooyinka laga helay feyruska lama oga, waayo hay’adda THL sooma gudbiso magaalooyinka tirada dadka laga helay feyruska ay ka yar tahay 5 qof.

Meelaha ugu badan ee faafista cudurku ka dhacay waa sidatan soo socota: Helsinki 115, Espoo 70, Vantaa 44, Turku 37, Oulu 15, Kuopio 10, Tampere 10, Tornio 9, Rovaniemi 7, Nurmijärvi 6, Joensuu 5, Kirkkonummi 5.

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 68 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 13 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.  Waxaana illaa iyo hadda la soo gudbiyay in ay dalkaan Finland feyruska korona u dhinteen 362 qof.

 Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

11 881 673 48 832 675
 

 

Tirada u dhimatay feyruska

291 506 1 249 734

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 10.1 milyan 126 742   1 031 243 257
2 Hindiya 8,5   milyan    46 318       557 126 162
3 Baraaziil 5,65 milyan    21 056       251 162 286
4 Ruushka 1,75  milyan    20 498       364    30 251
5 Faransiiska 1,75 milyan    86 852       304    40 169
6 Spain 1,38  milyan        38 833
7 Arjantiin 1,23 milyan      8 037       212    33 348
8 Ingiriiska 1,17 milyan     24 957       413    48 888
9 Kolombiya 1,36 milyan      8 741       190    32 595

Xigasho: YLE, HS,Worldmeters.info